Tababare Frank Lampard oo Weerar Afka ah ku Qaaday dhiggiisa Jurgen Klopp
Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in kooxdiisa ay jaho-wareer gelisay buun-buuninta iyo qaylada kasoo yeedhaysa tababareyaasha kooxaha kale, kaddib markii lasoo afjaray 17 ciyaarood oo guul-darro laโaan ah.
Everrton ayaa dhexda u gashay Chelsea, waxaanay ku ciqaabtay qalad uu galay goolhaye Mendy oo sababay in rikoodhe lagu dhigo, kaas oo saddexda dhibcood gacanta u geliyey Everton, halka Chelsea ay iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah u qaban lahayd.
Frank Lampard oo kooxdiisu ay xagaagii suuqa gelisay lacag dhan ยฃ200 milyan oo Gini oo ay kusoo iibsatay ciyaartooyo cusub, waxay soo jeedisay dareenka Jurgen Klopp oo toddobaadkii hore ku andacooday in Blues ay dhisatay koox cajiib ah oo aan โla malayn karinโ, isla markaana boos walba ka dhisan.
Laakiin Lampard ayaa rumaysan in hadalka Jurgen Klopp uu yahay mid uu uga dan leeyahay inuu ku jaho-wareeriyo ciyaartoyda Chelsea, waxaanu yidhi: โWaxaan ilaaliyaa akhrinta sida aanu ku haysano kooxda ugu xooggan horyaalka. Maan fahmin taas.
โKooxaha nagu xeeran waxay ku guuleysteen horyaallo, waxaanay haystaan weeraryahanno dhaliya 30 gool sannad walba, ciyaartooyo ku guuleystay Champions League.
Chelsea ayay kulankii xalay ka maqnaayeen ciyaartoyda garbaha weerarka ee Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic oo dhaawacyo murqaha ah u jiifa, balse waxa uu Lampard rajaynayaa inay muhiim tahay in koox walba loo ogolaan doono in shan beddel loo ogolaan doono kooxaha, si dhaawacyadu u yaraadaan.
โEverton waxa iyagaba ka maqnaa James Rodriguez. Marka aad daawato Chelsea oo la ciyaaraysa Everton, waxaad doonaysaa inaad aragto garbihii weerarka. Waxay ila tahay in shan beddel la ogolaan doono toddobaadkan kaddib