Dawladda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Ku Hanjabtay Inay Ka Baxayso Urur-gobolleedka IGAD.

Xukuumadda Federaalka Somaaliya, ayaa ku hanjabtay in ay gabi ahaanba iskaga baxeyso ka sii mid Ahaanshaha urur gobolleedka IGAD kaddib markii wafdigii xaqiiqo raadinta ahaa ee IGAD u xil saartay muranka dhinaca xuddduda ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya soo saareen warbixin ayna la dhicin dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa Arbacadii shalay sheegay in warbixinta ay soo saareen guddidu aheyd mid eex iyo cadaalad darrro ah waxaana uu sheegay Wasiirka in Dowladda Soomaaliya ka fiirsaneyso ka sii mid ahaanshaha IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jabuuti ku eedeysay in ay la safatay dowladda Kenya madaama Jabuuti ay gadhwadeen ka aheyd guddigan xaqiiqo raadinta ah ee loo diray in ay soo ogaadaan waxa ka jira eedeymaha loo jeediyay dowladda Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in warbixinta guddida oo idil aheyd mid laga soo xigtay oo kaliya dowladda Kenya.
Wali wax war ah somay saarin Guddidu oo la xidhiidha doodda dhinaca dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker