Foolaad Maanso Cusub.“Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxale”
OOLAAD
“Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxale”
Maansadani Waxay soo baxday Bisha Jan 2019, Badda ama xubbinta ay raacaysaa waa(laago laago) waxay ka xog iyo tibaax bixinaysaa dhawrsanida xarrago qaadashada iyo dhaqanka xariirta ah ee bulshadeena. iyadoo si gaar ahna u sifaynaysaa hufnaanta iyo hawlkarnimada hablaheena iyo waliba Garaadka iyo Gobannimada Eebbe ku galladay. fahmada iyo fiiro dheerida lagu mannaystay, iyo guud ahaanba dabeecada iyo dun wanaaga lagu majeerto.
Maansadu waxay kaloo iftiiminaysaa waayaha nolosha sida hanka, hibada,hogaaminta iyo hal abuurka, Waxayna ku bilaabmaysaa sidan.
Sida foore galabeed
Fad la naawilaayiyo
Mahiigaan ku foorara
Hal fadhida hillaaddeed
Fadadkiyo hillaacana
Dadku fiirsanaayoo
Dhirtu foodhinaysoo
Galawga iyo fiintuna
fajeceen gariirkii
ama fiid gudgudohoo
Inta maraqa laga furay
Rahu farax la yeedhoo
fadh fadhido xareeduna
Fatxi iyo ayaaneey
Farajbaad ku dhalatoo
Waxad tahay fariidyahay
Foolaadkii dunidoo
Cidi kaama fiicnoo
Kuma faaninnaayee
Waxa maragga kuu furay
Eebbaha farshaxnee
Kaa dhawray foolxumo
Waad fiiro dheertahay
Ma ogolid faduushee
Dibjirkiyo falaagadu
Yay fulkaansi kaahelin
Sida Faras kadliyo orod
Waligaa ku foognoow
Falka suubban ruux jecel
Fahmadana kucaan baxay
Dhaqankana ku fara adag
Filsan waa gayaankeed
Annigaan rag foorjayn
Waxa guur ka filankara
Nin u feejignaan kara
Nin faraha midayn kara
Nin go’aanka fulin kara
Nin aqoon fidyoon kara
Nin farriin cad diri kara
Nin fogaan ka halacsada
Nin humaaga fili kara
Nin filkeeda sugi kara
Nin firsooca garankara
Naqna reer kufuri kara
Fahma baadisoocaha
Faylasuuf ku waa kaa
Hadaad tahay nin fiiro leh
Garta feeninkarayoo
Firfircooni miidhana
Malkadiyo iyo fagaaraha
Gudbin kara farriimaha
Fanjalsiga necbaystoo
Nin fadhiida kicinkara
Sidii Faarax gobannimo
Allaylehe fa’ iyo wow
Faca gaadta waad tahay
Mar haddaad farxaan tahay
Wajigiisu furanyahay
Farahiisu laabnayn
Cidi kaama faxalsana
Fanniyada culuumtiyo
Nin fasira kitaabkoo
Fidinaaya diintoow
Waxad tahay faseexoo
Cidi kaama fiqisana
Fooddheerayaashiyo
Fiishluhu ma eegaan
Nin fadeexad doonoo
Faadhfaadha ceebtow
Fasaqdaye nasiibkaa
Waxa fooladayn kara
Ama guur ka filan kara
Ninaan faashku karinoo
Fikirkiisu doorsamin
Isma gabo fariidkuye
Waxba yaanan faaqidin
Faraweey hal fadalcadi
Nabadduu u faydnaa
Finfinaaqu yaablehe
Nin ku dheelay foorari
Faa iido garan waa
Ha u bixin faryaadeey
Fartu waxay ku godantahay
Nin fadhiya halkii shalay
Foolxumo ka raacdee
Faraxalo nin yidhiyoow
Dhan kalaa faruurmee
Ha fakarin adduunkani
Fidno socota weeyoo
Fasahaad kamuuqdee
maxaa taajir faro madhan
Nin faqiir ahaa shalay
Muxuu maanta fooroo
Barri maal faraqayaa
Far haddaanad qori Karin
Farsamada dhankeedaba
Qof ku fiicanbaad tahay
Mar haddaad fashilantana
Faalig maaha kugu dhacay
Faraj Eebbe kuu maqan
Hal-abuur farshaxanoo
Run ku farayaraystoo
U fakara dadkiisoo
Falkin sare ku caaniyo
Xasanow Furgaxashada
Fool eriga muuqdiyo
Ila garatay fiixlaha
Hadda foodhi baasloow
Fidday sheekadaasina
Murtidii fasiraysiyo
Garoo waa falaadhii
Fiiqa ay ku ganantahay
Cidwaliba filaysee
Ma faleebo socotaa
Ma fal iyo madiida
Farmasiga jacaylkiyo
Fayo dhawrka waydii
Faralkuna xalleefoow
Faanoole weeyoo
Igu foodhi ruuxaan
Aawadii u faydnaa
Waxaan libbin ku faylamay
Intaan guul ku farajabay
Markii aan figta u baxay
Farxadaad ka maqantahay
Riyo illa fogaatiyo
Ma u qaatay foojari
Iyo faalso tuugo ah





