Qaab Dhismeed cusub ee wasaarada JSL iyo wasiiro cusub oo la magacaabayo!
inkasta oo Distoorka JSL aanu meelna ka ga ool wax la yidhaahdo saami qaybsi balse Distoorku uu si cad uqeexayo in Madaxweynaha la Doortaa uu xor u yahay maga caabiista Golihiisa wasiirada iyo Mas,uuliinta kale ee xukuumadiisa hadana waxaad mooda in aan shacabka s/land weli ka korin waxa ay ku sheegaan saami qaybsi Sidaa owgeed waxaa la filayaa in Madax weynaha jamhuuriyada s/land soo Dhiso qaab dhismeed cusub oo ay ka koobnaan Doonaan wasaaradaha Dawladu Dabadeedna uu soo saaro isku shaandhayn iyo xilka qaadis iyo xial cusub oo uu magacaabi Doono …. shaxda cusub ee wasaaraduhu waa sidan:
1- wasaarada arimaha Debeda iyo xidhiidhka caalamiga
2- wasaarada qorshaynta iyo tiro koobka
3- wasaarada arimaha Gudaha iyo aminga qaranka
4- wasaarada Gaashaan dhiga
5- wasaarada maaliyada
6- wasaarada arimaha Distoorka iyo xidhiidhka Golayaasha
7- wasaarada Dawladaha hoose iyo hor umarinata magaalooyinka
8- wasaarada Gaadiidka Dhulka iyo Hor umarinta wadooyinka
9-wasaarada Duulista, Gaadiidka cirka iyo madaarada
10- wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Bada iyo hor umarinta xeebaha
11- wasaarada Ganacsiga iyo wershedaha
12-wasaarada maal gashiga iyo hor umaranti dhaqaalaha
13-wasaarada tamarta iyo macdanta
14-wasaarada Biyaha
15- wasaarada Degaanka ,Dhirta iyo Daaqa
16-wasaarada Beeraha
17-wasaarada xanaanada xoolaha
18-wasaarada Diinta iyo awqaafta
19-wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda
20- wasaarada boosaha iyo isgaarsiinta
21- wasaarada ciyaaraha ,Dalxiiska, Hidaha iyo dhaqanka
22- wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyo arimaha Bulshada
23-wasaarada caafimaadka
24-wasaarada tacliinta iyo technologiyada
25-wasaarada hawlaha guud iyo Guryaynta
* wasaaraduhu in ay Gaadhaan ilaa 27 ayaa laga yaaba
* waxa iyana jira shan hay`adood oo Madax banaan
*wasaarada Dawladaha hoose waa wasaarad cusub oo ka shaqayn doonta Daba galka iyo kormeerida golayaasha degaanka oo aan haba yaraatee lahayn cid kormeerta ama Daba gasha , waxayna si joogta ah warbixin ugu soo gudbinaysaa madaxweynaha goloyaasha degaanka dalka oo dhan , madaxweynuhu wuxuu awood u yeelan karaa in uu kala diro golaha degaanka ee ay ku cadaato in uu waajibkiisii gabay waxaanu si ku meel gadh ah u magacaabaya mayer cusub oo xilka magaaladaas sii hayn doona inta Doorasho Danbe oo gole degaan dhacayso.
khadar Hussein
khadarxussain@gmail.com