Gabadh Itoobiyaan Ah Oo Sacuudi Ku Dishay Gabadh Yar 11 Jir Ah kuna Dhaawacday Wiil 14 Jir Ah

Riyadh(OWN)-  Waybsaytka Teefishinka Alarabiya waxa uu maanta qoray in Haweeney Ethiopian oo shaqaale guri  u ahayd Qoys Sacuudiyaan ah inay Tooreey ku dishay gabadh yar oo  11-jir ah, halka ay dhaawacday wiil la dhashay gabadha.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, iyadoo Adeegtada falkaasi geysatay xilli ay Waalidiinta carruurtaasi ku maqnaayeen shaqo.

Ilo ku dhow Qoyskaasi ayaa sheegay inay Adeegtada markii hore ay 14-jeer Tooreyda ku dhaawacday wiilka, ka hor inta aanuu  ka baxsanin, iskuna xidhin Suuliga guriga.

Haweeneyda waxay kaloo tooreeyda dhowr jeer la dhacday ilaa ay ka geeriyootay gabar 11-jir ah oo la dhalatay wiilka la dhaawacay.

Shabakadda Telefishinka Alarabiya waxay kaloo qortay inuu Wiilkii la dhaawacay uu si qarsoodi ah Telefoon ugu diray Hooyadiisa, una sheegay falka ay Adeegtadii isaga ku dhaawacday, kuwna dishay Walaashiis.

Hooyadda waxay si degdeg ah u wacday Booliska oo ay ku wargelisay dhacdadaasi, waxayna iyada iyo Ciiddanka si wadajir ah u tageen guriga Qoyskaasi.

Isla markii ay Ciiddanka gaadheen halkaasi waxay caddeeyeen inay gabadha yar geeriyootay, halka Walaalkeeda loola cararay Cisbitaalka, si uu u helo Gargaar iyo Daryel Caafimaad oo Khaas ah.

 

Haweeneydii Ethiopianka oo isku xidhay qol, waxay Ciiddanka u sheegtay markii ay soo qabteen inay gashay Dembigaasi, iyadoo loo gudbiyey Waaxda Dembi-baarista Boliska Sacuudiga.

Safaaradda Dowladda Ethiopia ku leedahay dalka Sacuudiga waxaa la sheegay inaanay  weli ka hadlin Kiiska loo haysto Haweeneyda Ethiopianka ee dilka iyo dhaawaca u geysatay carruurta  qoyskii ay Adeegtada u ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan kala caddayn sababta ay  Adeegtadda tooreey ula dhacday Ilmaha reerka ay u shaqeynaysay.

@ alarabiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker