Maanso : Gacan libaax

Gacan keeda daalood

Buurta gacan libaaxiyo

Dhulka wada giriinka ah

Gara oo bal ii sheeg

Gacalaw ciddays ka leh

.

Gobta samir taqaan iyo

Geeshka aan marnaba jabin

Gayigeena lantana

Marka laysku giirtay

Ka xoree gun-nimo tahay

Dibu jeeso kaan geyin

Ee gantaal ku weerara

Cadawgii u soo gala

Kaana garo cidduu yahay

.

Garbadh iyo ciddaan muran

Googaada badanine

Marka samirku soo gudho

Sida aarka geylama

Isna garo cidduu yahay

.

.maroodiga garbaha weyn

Guudka ay ka fuulaan

Gurgurshaa sidii sii

Ugaadiida qaar badan

Hayska gabax sanaadee

Hadduu uriyo geesta xun

Dhulka wada gumaad yoo

Guri qudhi ma taagnaan

.

Ka geddiisa oo kale

Inta badan gujada kulul

Is ka dhaaf ku gooyee

Aan uyeelen gocashada

Bal se kaa guraca dhaqay

Marka uu gardiid yahau

Ma gabadaha ee sheeg

Galka seef udiidee

Walaashuu gudbina yee

Laga dhaafay geesaha

Marka loola soo galo

Gumac ugu jawaabana

Isna garo cidduu yahay

.

Aan ugalo jawaabtee

Waa ka gacan-libaaxiyo

Godon keeda daaloo

Hadba buur goglana yee

Guri wada xariiriyo

Salaadiin  ugaariyo

Geesiyada tilmaamani

Geel dhalay ku maalaan

.

Maantana guddoonkaa

Buurtu ay gudbinay-saa

Wuu garan fariidkii

Nacasbay gondaha jari

Aakhir keedu waa guul

 

 

 

Cu, maxamuud cismaan  (moholin )

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker