SHIRKA GARXAJIS WUXUU CEEL KA SOO SAARAYAA DAMEER CEEL KU DHACAY
Somaliland waa loo soo wada halgamay waa loo soo dhintay waxay soo martay cid looga sheekaynayaa ma jirto waxay soo martay. Shaqadii wacaynayd ee masuuliyaddii lahayd ee wadanka u Soo qabteen Madaxweyne yaashii hore ee Cabdiraxman TUUR, Mohamed X. IBRAHIM CIGAAL IYO MADAXWEYNE Riyaale runtii wado horuumar in Bay haysteen iyo majarihii ictiraafka laakiin 2010kii markii KULMIYE oo SIILAANYO qabtay hogaanka dalka arintii wadanka waa la duway oo wadankii waxaa lagu dadaalay qaybin ah Jeegaan iyo intii kale ee badanayd iyadoo aan horuumarin guud iyo Ictiraaf loo jeedin ee adduun urusi iyo hunguri galay boobka dantii guud ayaa loo dhaqaaqday, wax waloo la sameeyey horteenay yaaliin dhibtoodiina way ina haysataa. SHIRKA GARXAJIS waa talo wadan oo wadankoo dhan anfici doona talo reer oo qudha maaha, jiritaanka Somaliland iyo israaca Somaliland buu ka turjumayaa. Waayo Siyaasad hunguriga dalkii qaybisay cid ay wax u Soo siddaa ma jirto, 2010kii ka dib Somaliland waxay noqotay DAMEER CEEL KU DHACAY oo si kasta lagu dayey oo la soo Saari kari waayey oo maanta shirkan Garxis ku leeyey waar Dameeraw Ceelka ka soo bax si kasta kugu daynaye. Suaasha waxay tahay DAMEER CEEL KU dhacay oo la soo Saari kari waayey WAAR SOO BAX MA KU SOO BAXAYAA, jawaabtu waa maya ee CEEL kuu ku dhex bakhtiyi doonaa. Wax kasta oo wanaagsan oo shirkaa Garxajis ka soo baxa oo Somaliland u Dana guud ahaan waxba hogaanka Jeegaantu kama dhegeysan doono ee wadan ku Somaliland wadan in hunguri wayni baabisay buu ku dambaynayaa.