Markab marayay xeebaha Cummaan Oo La Afduubay.

Burcad badeed  ayaa qafaalatay markab uu ka babanayay calanka dalka Panama xilli uu marayay xeebaha Cummaan, waxaana markabka lagu khasabay in uu u shiraacdo dhinaca Iran, sida laga soo xigtay Hay’adda sirdoonka badda ee dalka Britain, Lloyds List.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess, ayaa waxaa raacay rag hubeysan markii uu u soo dhowaaday marinka Hormuz.

Ma kala cadda cidda afduubatay markabka balse dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in falkan looga shakisan yahay ciidamada Iran.

Ciidamada Kacaanka Iran waxay iska fogeeyeen eedeymaha loo jeediyay oo ay ku tilmaameen ‘daandaansi ka dhan’ xukuumadda Tehran.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan la weeraray markab laga leeyahay Israa’iil oo marayay Cummaan kaas oo ay ku dhinteen labo qof oo kamid ahaa shaqaalihii markabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker