Maamul ku sheega Farmaajo: aniga oo aan xukumin hal KM oo Dhulka ah ayaan hawada xukumayaa!!!!
Qofna kama qarsoona xaalada ka jirta Dalka somalia(Italia somalia), somalia waa Dal Mindhicirkii ka soo Dhacay ,waa Dal 30 sano Bilaa Dawlad ah, waa Dal ukala Go`ay 5 dawladood oo yar yar oo Midwaliba samaysatay Magac ,Taariikh iyo xuduudo aanay lahaan jrin .
Waa Dal Dawlado shiisheeye haystaan oo utaliyaan, waa Dal 50 kun oo ciidamo shiisheeye ahi joogaan, waa Dal Kenya Baddiisii qayb qaaday , waa Dal kenya ciidamadeeda iyo Diyaaradaheeda Dagaalku maalin walba ku soo xadgudbaan oo waxay Doonaan ka sameeya, waa Dal Ethiopia ciidamadeedu qaybo Dhan haystaan oo siday Doonaan ka yeela.
Maamulka maqaar saarka ah ee muqdisho ciidamada African ka ah ee AIds-ka iyo Ebolaha qabaa ku hayaan ee hadana sheeganaya in uu yahay Dawlad Federal ah anigu garan maayo meesha uu xukumo ee uu Dawlada ka yahay, waa Maamul shisheeye soo sameeyey iyaga oo uga jeeda in ay Al-shabaab ku xumeeyaan iyo in ay magaca somalia kaga dhamaystaan wixii ay rabaan mid yidhaahda ciidamo ayaanu keenaynaaye noo saxeexa, mid yidhaahdo saldhigyo milateri baanu somalia ka samaysanaynaaye noo saxeexa, mid yidhaahda Badda somalia baanu qayb goosanaynaaye noo saxeexa, mid yidhaahda sunta wershedaha ayaanu ku aasaynaaye noo saxeexa.Hadaba iyada oo xaalka somalia sidaa yahay ayaa Maamul ku sheega Farmaajo inta uu wax walba meel iska Dhigay Dagaal nooc walba ah ku soo qaaday somaliland, iyada oo Madaarka Muqdisho iyo Dekeda Muqdisho labada ay Dawlado shisheeye iyo ciidamo shisheeye haystaan oo xitaa Farmaajo aanu Gudahooda Geli karin isaga oo ciidamadaas iyo Dawladahaas haysta fasax ka soo qaata mooye oo shalayto oo u Danbaysa Gudoomiya Barlamaan ku sheega Farmaajo markuu is yidhi Madaarka muqdisho Gal ay askar African ahi intay Futada Laad kala Dhaceen Dib u soo celiyeen oo Udiideen in uu Madaarka Food soo Geliyo ! Hadaba waa yaab iyo amakaage muxuu Mamul ku sheega farmaajo ku keenay in uu yidhaahdo dekeda Berbera aniga ayaa xukuma ee wax halayga weydiiyo!! Muxuu ku keenay in uu yidhaahdo hawadii somalia oo ay ku jirto hawada somaliland ayaan la wareegay isaga oo aan xukumin 1 KM oo Dhulka ah! waar miyaanay taasi ahayn waalli iyo wax lala yaabo oo lagu qoslo , waar Maamulka waxaas oo hawlood ee hortiisa yaal aan arkayn ee wax walba intuu Dhulka Dhigay somalailand uun kadaba shaqaynaya maxaa la odhan karaa? waar somaliland ha kuu joogtee maad horta Adiga oo aan ciidamo shisheeye ku tiirsanayn 1 km oo Muqdisho Gudaheeda ah xukun kaaga Gaadhsiisid , waar inta aad somaliland soo eegaysid maxaad u arki weydey Afgooye iyo Balcad Dawladaha kale ee ka Dhisan ee Mid waliba ay leedahay Madaxweynaha , baarlamaanka , calanka ,Distoorka, lacagta, baaspoorka iyo wax alla wixii Dawlad Madax banaani laahaan jirtay?
Khadar xussen
jeddah ,saudi
khadarxussain@gmail.com