Barack Obama Oo Ayeeydii Ku Geeriyootay Dalka Kenya
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayeeydii Sarah Obama ayaa maanta ku geeriyootay da’da 99 jir , sida qoyskeeda ay u sheegeen warbaahinta gudaha.
Saraha Obama ayaa saaka ku geeriyootay cisbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee ku yaalla magaalada Kisumu, sida gabadheeda Marsat ay u sheegtay wargeyska Daily Nation.
Sarah Obama waxay ku nooleyd tuulada Kogelo ee galbeedka Kenya halkaas oo Obama aabihii uu ka soo jeedo.
Halkan hoose ka daawo