“Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in ciidamada maanta tababarka loo xidhayaa inay si hufan u gudan doonaan waajibaadkooda ” Taliye Cabdilaahi Fadal

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo munaasibadda ciidamadu ku qalin-jabinayeen hadal ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada hadda qalin-jabiyey ay awood buuxda u leeyihiin gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in ciidamada maanta tababarka loo xidhayaa inay si hufan u gudan doonaan waajibaadkooda loo igmaday ee ilaalinta amniga iyo difaaca qaranka, horumarka ugu weyn ee ciidanka Boolisku ku tallaabsaday waxa kamid in saraakiisha ciidanka Booliska ee ah taliyayaasha saldhigyada in dhammaantood la isugu keenay dugsiga tababarka ee Mandheera oo ay tababar ku qaateen, taas oo ay ka faa’iideen is-barasho.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker