Horta yaa soomaali xal ugu maqan?

In aynu mushkiladdeena xallin weynay muddo 40 sano gaaraysa waa ceeb, waxaase ka sii ceeb badan in aysan hawshaas ilaa hadda cidiba inoo ku maqnayn!.
Rag ka mid ah hormuudka reer P/land oo kaalmo u qaaday dadkii lugu xasuuqay Soobbe ayaa waxaa martiqaaday qayb ka mid ah hoggaanka bulshada reer Muqdisho.

Waxaa laga wada hadlay sidii loo xallin lahaa dhibaatada soomaali ku habsatay. Raggii martida ahaa waxay xil dheeraad ah dusha ka saareen ikhyaartii reer Muqdisho, iyaguna waxay ugu jawaabeen nimanyohow meeshaan in la isugu yimaado mooyee cidina wax kama qaban karto!.

Raggii reer P/land markay nooga warameen wixii ay ku soo arkeen caasimada iyo wixii ay waxgaradka kala kulmeen ayaan ku iri: nimanyohow hadalka ikhyaartii reer Muqdisho idinku yiraahdeen waxaan ka fahmay in aan soomaali cidina xal ugu maqnayn ee qolaba ay qolyaha kale sugayso.

Markii laga hadlo xal u helida mushkiladda soomaaliyeed reer S/land waxay yiraahdaan horta reer koofur ha soo heshiiyeen, reer P/land iyaguna waxay sugayaan roob xaggaa iyo Villa Somaliya ka soo curta, reer Muqdisho oo jooga meesha roobka laga wada filanayeyna waxay sugayaan soomaalidii kaloo soo gurmata si xal loo gaaro.

Gabagabadii hadalkaas macnihiisu waxaa weeye cid si guud ama si gaara isu xilqaantay oo xal inoo ku maqan ma jirto ee hadda innaga oo isku duuban ma u istaagnaa xal raadin mise waynu iska sugnaa intay meel ina kula dagayso doonta jiha la’aanta ah ee badweynta ina la sabbaynaysa?.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker