Dagaalka Tukaraq see noqon doonaa?

Waa dagaal dheeraan kara, dhul badana ku baahi kara, waji qabyaaladeedna yeelan kara. Sida caamada loogu sheekeeyana ma noqonayo dagaal kooban oo qolo dhaqso looga takahalusi karo; waayo:

1. Labada maamul ee diriraya waxay ku tiirsan yihiin dad iyo deegaan ballaaran oo ciidan u dagaalama waayi maayaan.

2. Sida lugu bartay soomaali dagaalka uma weydo hub & xoolo.

3. Dagaalku labada maamulba waa u muqaddas oo waxaad mooddaa in sharciyada jiritaankooduba ku xiran yahay dhulka la isku haysto.

4. Waxay haystaan ficilo qabiil oo markay u baahdaan ay adeegsan karaan.

5. Mawqifka dagaalka laga qaadanayo wuxuu si gaara u saamaynayaa madaxda labada maamul

Khasaaraha ka imaan kara:

Khasaare aad u ballaaran ayaa laga filan karaa haddii dagaalku dheeraado. Asbaabta khasaaraha badinaysa waxaa ka mid ah:

1. Dadka dagaallamaya oo fara badan. Mar kasta oo dadka diriraya bataan khasaaruhu waa badanayaa.

2. Dabeecada dhulka lugu dagaalamayo oo ah dhul bannaan oo aan lahayn dhir, buur iyo tog midna.

3. Nooca hubka lugu dirirayo oo aan wax reebayn.

4. Xamaaska iyo ficilada dagaalkaan ku dheehan

Dagaalkaas wuxuu noqon karaa mid israaciya intii ka soo doogtay colaadihii afartanka sano soo socday, wuxuuna baabi’in karaa wixii dadku muddada dheer tabcanayeen ee dad iyo maal ah. Raadadka uu ka tagayo waxaa ka mid ah:

1. Dhimasho fara badan
2. Dhaawac badan oo qaarkood naafoobaan
3.  Burbur dhaqaale iyo horumarka oo joogsada
4. Mashaakil ijtimaaci ah (agoon, gablan, araamil, naafo, barakac, mooryaanimo, utun iyo nacayb dadka kala gala).
5. Nabadgalyo darro geyigoo dhan ka dillaacda
6. Dibudhac siyaasadeed, burburka maamulada dhisan & talada oo faraha u gasha qabqable & mooryaan.
7. Khasaare soomaali oo dhan ka soo gaara burburka labadii deegaan ee ugu deganaa, ugna nabadgalyo roonaa.
8. Dambi & naar aakhiro (Alle ha ina ka badbaadiyee)
9. Cuquubo & halaag adduun oo ka imaanaya daadinta dhiigga muslimiinta, dulmiga kale ee la socda iyo habaarka maatida cidday ku tiirsanaayeen laga laayey.

Taa macneheedu waxaa weeye haddaan colaaddaan dhaqso loo damin, heshiisna lugu dhammayn raad xun oo laga shallaayo ayay ka tagi karaysaa, umana badna inay noqoto dagaal si degdeg ah qolo ugu guulaysato oo sidaa ku dhammaada ee inta goori goor tahay caqliga iyo cilmigu ha shaqeeyo.

Mabaadi’da islaamka ee ku saabsan dagaalka muslimiinta:

1. Dilka iyo dagaalka muslimku waa xaaraan, waana dambiga ugu weyn ee la galo gaalnimada ka dib.

2. Mar haddii dagaal dhexmaro dad muslimiin ah labada qolo ee dirirtay waxaa waajib ku ah inay heshiiyaan.

3. Muslimiinta kalena waxaa waajib ku ah inay walaalohood heshiisiiyaan.

4. In wixii kala gaaray ee dhib ah si caddaalad ah loogu garsooro.

Gabagabadii qof kasta oo wax uun ka gaysan kara xil baa ka saaran joojinta colaaddaan gaar ahaan madaxweynayaasha, golayaasha dowladaha, salaadiinta, culimada, ganacsatada, abwaanada, bahda saxaafada iyo bahda waxbarashada oo qolaba ay kaalin ku habboon ku leedahay.

 

 

alwaqaar@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker