Hankii Odyaasha Soomalida ee ahaa la midowga Imaaradaha ‪Shaariqa‬ Iyo ‪Ras_Al Kheema‬ 1837

Aslaamu Calaykum

Sida ku cad qoraal ay saan/harag ku qoreen odyaashii ku dhaqnaa Xeebaha waqooyi ee carriga soomalida iminka (Jamhuriyada Somaliland) una direen Sheekha Deegaanda Ay ka talin jireen Qaasimiyiintu sanadii 1837 Sheekh Suldan Bin Saqar Al Qaasimi‬ imkana kala ah Imaarada Shaariqa Iyo  Ras_Alkheema , ayaa waxa ay ku xuseen ammuro badan oo isugu jirtay wacdi diimeed, murugu ka dhan ah madaxdii dalalka islaamka oo gabay diintii, gubaabo jihaad iyo iskaashi iyo midow dhaqan, dhaqaale, iyo mid ciidannba si ay ula dagaalaman Boqortoyada Ingriiska oo damac kaga jiray inuu guumaysto mandaqada, balse waxa la sheegay inaanu Sheekhu ka soo jawaabin dhambaalkaas iyadoo loo maleenyo inuu ingriisku isku dir ka dhex abuuray labada geesood, hadba saantas oo ka koobnayd dhawr xaashood kuna qornayd afka carbiga ayaa waxa aad ku cajab galinya soomalida sida ay ugu xeel dheeraayeen luqadaas iyado markii cilmi badhista lagu sameenayay ay ereyo badan u bahaadeen in sharaxaad dheeriya lagu sameeyo, hadaba xaashi ka mid ah ayaa sida tan u qornayd:-

و نحن محتاجون الى مدد و حتَى كلامك يكفينا اذا امرت السَواعى المسافرة الينا ان يقوموا معنا و يجاهدوا في سبيل الله الحيث اذا جاؤا عندنا ما يخالف احدُ من السَومال لأنهم يهابون اذا سمعوا ان السلطان بن صقر قائم بالجهاد فيهتابون و يقولون كلهم نحن من رعيته و هذه السَواعي المساعره تكفينا بحول الله و قوته و ما ترى ان شاء الله الا و هم داخلون تحت طاعتك في سنة واحده و لا يضر هذا البعد الذي بيننا لانَ السَواعي مقربة تحمل الى بلد لم تكونوا بالغيه الاَ بشق الانفس كما ان سعيد بن سلطان ملك ارض السواحل كلها و هي بعيدة عنه مع انه خارجي ليس من اهل السنة و الجماعة و انت بحمد الله قلوب السَومال مشتاقة اليك لما ذكرنا لهم من اتباعك الكتاب و السنة.
فاجتهد في ضم ملك السَومال الى ملكك الاول فان المملكة سعادة لمن ادىَ حقها و شقاوة لمن جار و طغى و اثر الحياة الدنيا.
Annaguna waxaannu u baahanahy taageero xitaa eraygaaga nagu filan haddii ad amarto doonyaha dhankayga u soo safraya in ay nala garab istaagaan Ilaahay dartiina ay jihaadkana noola galaan, haddii ay yimaadaana cid ka hor imanysa ma jirto , sababtoo ah waxay ka haybadesanyaan haddii ay maqleen in jihaadka Uu ku jiro Suldaan Bin Saqar iyagoo leh anagu dadkiisa banu kamid nahay, doonyahan ganacsina iyada nagu filan awooda iyo xooga ilaahay, iyo waxa aad arki, inshaallaah iaygoo hoostada wada yimid daacadna kuu ah sanad gudihii, , waxba yaanu ku dhibin masaafada an kala fognahay sababto ah Doonyaha aya isku dhawaysay dhul ad ku gaadhi lahayd dhib iyo rafaad, sidoo kale Siciid Bin Suldan Ahna Boqorka xeebaha oodhan iyadoo ka fog kana baxsnyahy balse u yahay ahlul sunna wal jamaca, sidook ale Alle mahadii quluubta Soomalida oo aad kugu xiisoonaysa sababto ah markaan dadkaygii u sheegnay inaad raacday kitaabka Alle iyo Sunihiisa.

Sidoo kale ku dadaal sidii ad iskugu dari lahayd boqortoyda Somal iyo boqortaydaada hore. sababto ah boqortooyada farxada waxa ay u sugnaatay cida xaqeeda gudatay hoogna u sugnaaday cidda leextay ee xadgudubtay sido kalena nolosha aduunyada doortay ……….
رسالة زعماء الصومال
إلى الشيخ سلطان بن صقر القاسمي1837 م

بتحقيــق الدكتور الشيخ سلطان بن محمد القاسمي 1996م

Risaalat Zucama AL Somal Ilaa AL Sheikh Sultan Bin Saqar Al Qasimi 1837
By: Dr Sheikh Sultan Bin Mohamed Al Qasimi 1st Jan 1996.

W/D: Abdiqani Abdirahman H Mohamoud (Shariif)

 

 
                                       Alla Mahd Leh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker