Dowladda Somaliya oo sheegtay in ciidamadeeda ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaanno ka tirsan ah Shabeelooyinka
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday deegaanno ka tirsan shabeelooyinka, kadib howlgal qorsheysan oo ay subaxnimadii saaka kafuliyeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.
Deegaanada ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada dowladda ayaa lagu sheegay ku dhawaad 9 tuulo oo ka mid yihiin Basra, Sapyo, Baqdaad iyo Beled Al Kariim.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.
Deegaanka Basra waa degaan Istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.