Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta oo Lagu Ansixiyay Xeerka Gaadiidka Sida oo Kale Waxa Lagaga Dooday Hawl Gabka Iyo Xaqa Lasiinayo Ciidamada.

Hargeysa-(OWN)-Kal-fadhigii 20-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/09/2018, waxa lagu ansixiyey siyaasada qaranย ee gaadiidka, waxaana lagaga dooday xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasada qaran ee gaadiidka dalka Somaliland ayaa ah mid lagu hagayo laguna maamulayo guud ahaan gaadiidka kala duwan ee Somaliland, waxaanu noqon doonaa mid lagu maareeyo dhibaatooyinka iyo faaโ€™iidooyinka gaadiidku u leeyihiin dalka iyo dadkaba, si looga hortago waxyeelada iyo khataraha gaadiidka, waxaana soo diyaarisay Siyaasada qaran ee gaadiidka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Ugu danbayntii kal-fadhigii maanta waxa ay wasiiradu dood dheer ka yeesheen xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, waxaanay goluhu ku ansixin doonaan kulamada danbe.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: one or more people and people sitting

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker