Burco: Baatrool La’aan Gaadiidkii Magaalada Hakad Gelisay Wasaaradda Ganacsiga oo ka Aamustay iyo Badhasaabka oo ka Hadlay

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay xaalad batrool la’aan ah oo magaalada ka jirta iyo saamaynta ay ku yeelatay  gaadiidka Batroolka ku shaqeeya oo maalmihii u dambeyay aan wax dhaq-dhaqaaq ah  samayn.

 

 

Waxa kale oo uu ka hadlay dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday deegaanka Ceel-afweyn oo uu sheegay in ay ergo nabadayn ah u dirayaan. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xuska debbaal degga 27 guurada maalinta qarannimada Somalilamd ee 18-ka May iyo qaabka guud ahaan dalka, Burco iyo gobolka Togdheerba looga debbaal degayo 15-ka May oo salaasada  ku beegan loona soo hor mariyay dhalashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku beegan tahay maalinta qarannimada Somaliland.

 

Guddoomiye Xamse  ayaa intaa ku daray in uu gabi ahaan ba joogsaday muddo horena ay Burco ugu dambaysay shidaal Batrool ah oo uga iman  jiray dhanka Maamul goboleedka Puntland oo uu tilmaamay in waxyeelladiisu ay badnayd.

 

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Batrool la’aanta magaalada ka jirta iyo saamaynta ay ku yeelatay gobol ahaan ayaa ku jawaabay. “Arrintaasi way jirtaa, wax   batrool ah oo gobolkii yaalla ama laga helayaana ma jiro,  qiime  badan ayaanu markii hore kor u kacay,  heer saddex jibbaar ah intii uu hore u ahaa ayuu gaadhay, laakiin hadda maba jiro oo qiimo kasta oo aad ku doonto ma soo helaysid, sababta keentayna waxa ay tahay shidaalkii haamaha ku jiray oo gabi ahaanba la xidhay, kadib markii dhawaan shidaal wasakheysan lagu shubay, magaaladiina dhammaan gaadiidkii  yar yaraa ee Batroolka ahaa way taagan yihiin, wer-werr weyn ayaana  naga heysta oo wax aanu ku soconaba ma heysano, shidaalka intii taallayna waa la dhameystay, wax dambe oo soo galayna ma jiro, saameyn  weyn ayay ku yeelatay guud ahaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ilaa hadana wax shidaal ah oo wadamada aynu jaarka nahay nooga yimid ma jiro, kii foostooyinka lagu keeni jiray ee Puntland ka  iman jirayna  xabag ayuu yeeshay oo isagana gaadiid badan ayaa ku xumaaday oo mar hore ayuu is taagay”

 

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaaladda nabad gelyo ee gobolka, ayaa yidhi. “Xaalada nabad-galyo ee gobolku aad ayay  u wanaagsan tahay, xuska maalinta qaran ee 18-ka May ee loo soo raray 15-kana  si weyn oo aad u sarraysaya ayaanu ugu diyaar garawnay. kol haddii ay Burco tahay magaaladii lagaga dhawaaqay waxaanu doonaynaa in aanu ugu sarrayno debbaal degga qaran, Burcona waxay maraysaa markii iyo maalintii ay ugu wanaagsanayd hadday ganacsi tahay, hadday wax-qabad dawladeed tahay iyo xarumo dawladeed oo ku soo kordhay ay tahayba.”

 

 

Guddoomiye Xamse oo ka hadlayay dagaal beeleedka Ceel-afweyn iyo sida ay uga hawl gelayaan ee ay gurmad nabadeed ugaga qayb qaadanayaan daminta colaadaas iyo in ay saamayn ku leedahay iyo in kale, waxaa uu yidhi. “Dirirta labada beelood ee walaalaha ah ee Ceel-afweyn iyo  nawaaxigeedu aad ayay noo dhibaysaa, waanan ka xunnahay  ALLE ayaanan ka baryaynaa in uu innaga qaboojiyo, baaq nabadeedna waan u dirayaa, waxaanan ALLE  uga baryayaa dadkaa walaalaha ah  ee aan meel kala tegayn in uu ALLE colaadda nabad ugu bedelo. haddaanu nahay gobolka Togdheerna waxaanu u diraynaa ergo nabadeed oo culimo iyo madax-dhaqameed iyo masuuliyiinba leh, xil ayaana inaga  wada saaran in aynu dhiigga daadanaya ee walaalaheen joojino ,haddaan u soo noqdo jawaabtaada ah wax saamayn ah ma idinku yeeshay dagaalka Ceel-afweyn? Maya naguma yeelan  oo in uu dagaal dhexdeenna ahi meel dalka ka mid ah ka dhaco, ayaanu ka xunnahay ba, markaa Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer wax saamayn ah oo uu ku leeyahay ma jirto, waanan ka xunnahay, nabadaynta labada beeloodna qaybtayada waanu ka qaadanaynaa.”

 

 

 

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay khilaaf ka dhex taagnaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo  ciyaartoyga Togdheer oo laga reebay tartanka ciyaareed dalka klaga qabanayo, ayaa yidhi. “arrintaa wasiirka waanu ka wada hadalnay, meel fiicanna way noo maraysaa, waanan iska arkaynaa wixii dhib ah ee jirana waanu dhammaynaynaa.”

 

 

Dhinaca kale guud ahaan waxa uu qiimaha Batroolku cirka isku shareeray dalka oo dhan, waxaana ka jirta magaalooyinka waaweyn ee Somaliland batrool la’aan baaxadweyn, iyada oo wasaaradda ganacsiga ee Somaliland-na ay aamusnaan kaga jawaabtay, isla markaana aan ka hadal in ay jiraan dedaalo iyo wax tallaabo ah oo  gaadiidku ku heli karaan Batrool.

 

 

Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa wasaaradda ganacsiga ku dhaliilay gaabis ku yimid gudashada waajibeedka shaqo ee helida iyo tayeynta shidaalka  noocyadiisa kala duwan.

 

 

Oodweynenews Burco

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker