Gabay ku socda Colaada Ceel-afweyn: Waxa tiriyey Suxufi Saleban

Dacwo: Gabay ku socda Colaada Ceel-afweyn.. W/T: SCC. Kalshaale
Tixdani waxay baaq iyo digniin u diraysaa Beelaha dirirtu u dhaxayso iyo Bulshada ku dhaqan Gobolada ay labada beelood wada degaan, waxaanay soo baxday 11/05/2018.

Tixdan, waxa ku jira Magacyo Dad oo aan ku soo hal-qabsanayo, waxa kamida Cali oo ah Abwaan Cali Duul-duul oo Burco degan iyo Diraac oo ah Nin aanu Ehel nahay.

Gabaygani wuxuu ka digayaa in colaadu sii fido iyo inay ka faa’idaystaan danaysteyaal iyo dira-diraalayaal shida-wadeyaal ah, waxaanu ku bilaabmay sidan:-
Indhaweyd diraacow ma tirin deelka maansada’e
Waataan dan uga baxay gu’ hore dalallagtiisiiye
Caawuu dareen igu dhashoon soo dihaal kacaye
Dacwad weeye maansaday Xalay dihatay laabtaydu
Ee Degmo Ceerigaabo iyo ilaa dayaxa gaadhsiiya
Daallo iyo Bulshada Ceel-afweyn Duhur u faaleeya
Duuddaha Sanaag beesha taal daabac ugu geeya.
Inaan dunidu tii shalay ahayn daahir ugu sheega
Inaan derejo laga dheefahayn Qori dareensiiya
Oo ay dirirtu curad kaa dhintiyo aano daba joogta
Tahay dogobbo naareed ifkiyo daarta aakhiraba
Kobta Dhiig islaam lagu qumana roob ka da’ahaynin
Oo ay diraacdii kal hore Duumo xigi doonto
Iimaankaa ka duulee midhkaa diini ugu sheega.
Inaan daaq la kala ooto iyo doox la kala sheegto
Inaan nabada lagu doorsan oo la iska dacaraynin
oo daris wanaag iyo tolnimo doogga lagu daaqo
Iimaankaa ka duulee midhkaa diini ugu sheega.
Inuu Wiilku abtigii diloon di’yo ka reebaynin
Abtigiina Inankaa diloow Dooxay ubadkiisa
Oo ay laba Aaseen dumarku wow dun aadmiga
Iimaankaa ka duulee midhkaa diini ugu sheega.
Afartaa dux-waaniyo ku idhi Dulucda geeraarka
Afar kalena aan sii dul maro waa digniin culuse
Caliyoow degaankii galbeed dananka soo gaadhay
Ninna geli dareen gaar ah oon lagala doodaynin
Midna damaq xanuunliyo ku noqoy waran ku soo duulay 
Adna caawa darmadaad fadhidu ceebi waw derise 
Dab munaafaq shidaybaa miskiin dalaq yidhaahdaaye
Dabeyshaasi inay sii fiddoo labada deyr gaadho 
Oo ay doogihii beri horiyo nabaro soo dooxdo.
Waa dawga loo dhigay hadaan la iska daaficine.
Ka digtooni qaba dhidar xabaal qudhun ka daaqaaye. 
Dakaniyo colaad sii hurtaba waan ka digayaaye
Nin dan lihi inuu idin dugsado waan ka digayaaye
Inuu dakharku sii fido mar kale waan ka digayaaye
Haddii duul walaalo ah xumaan samaha loo doorsho
Oo ay dagaal riiqle iyo dirirtu caadowdo
Dadku xeerrar soo jiray ayaa dib ugu laabtaaye 
Maxay labadan daamood dhigteen duugna ugu yaalla
Bal inuu dabiib ugu jiroo nabadu soo doogto.

BY: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Suxufi/ Hal-abuur ah

Hargeysa/Somaliland

Email: curad1986@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker