Baaq Nabadeed.

Tacsi:
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
Waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa qoysaskii iyo qaraabadii nafahooda Ku waayey halaagaa iyo dagaalka kasocda Ceel Cel Afweyn iyo jiidaa Ku xeeraanba.
Baaq nabadeed -“”
Dadka walaalaha ah ee dhaleeyada ah waxaan ugu baaqaya inay ilaahay usoo noqdaan oo ay joojiyaan colaada iyo dhiig talaalka dhexdooda ah
Kolayba cidina ka faa,iidi mayso dhiiga bilaa macnaha ah ee daadanaya iyo barakicinta maatada iyo maxasta
Dagaalkaas hala joojiyo shuruud la,aan
Dawlada Somaliland gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi waxaa la gudboon inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah nabada xooga saaro
Beelahan xagaalamaya baaq kooban iyo ereyo Media ha laga yidhaahdaa waxba tari mayso waa in cudud iyo awood dawladnimo wax lagaga qabtaa
Dawlada waxaa loo doortay inay fuliso oo adeegsato awood qaranimo
********++++++++++++””””””””
Dhiigaa maalin kasta daadanaya wuxuu dhiig bax iyo ceeb Ku yahay Guud ahaanba Somaliland
Cuqaasha iyo madax dhaqameedkuna waxaa looga fadhiyaa inay gutaan doorkii ay Ku lahayn nabadaynta
———–_————-
Golayaasha qaranku kaalintooda ha muujiyaan oo fadhiga haka kacaan
——————————————
Ugu danbayn ceel AF weyn iyo deegaamada Ku xeeran waxay u Bashan yihiin oo ay tahay in lala gaadho gurmad Nabadeed.
Waa Qalinkii Liiban Cartan Xuseen
Tel:0634214835

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker