Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Sheegay Inay Qabsadeen Tikniko iyo Maxaabiis Farabadan.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u taagan yahay difaaca Qaranimada Somaliland marwalba.
Haddaba Ciidmada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool.
Ciidanka Qaranka, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Ciidanka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya.
Ciidanka Qaranka waxa ay dagaalka saaka ku qabtaan maxaabiis iyo Tikniko ay wataan cadawga soo duulay.
Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker