Zai Jama ~ Gabadh Somaliyeed Oo Kaalinta 6aad Ka Gashay Tartanka Quruxda Dumarka Dunida ~ Miss Global 2023

Magaalada Phnom Penh ee Caasimadda Dalka Cambodia, waxa Jimcihii xalay lagu qabtay munaasibad lagu shaaciyey natiijada tartanka quruxda haweenka Adduunka ee Miss Global oo sannad kasta la qabto.

Tartanka Sannadkan waxa wacdaro ka muujisay Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saynab Jaamac Cabdi oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer, waxaanay ka mid noqotay 10-kii ugu quruxda badnaa haweenka adduunka ee tartanka ka qayb-galay.

Saynab Jaamac oo 22-jir ah, waxa ay noqonaysaa gabadhii u horeysay ee Soomaaliyad ah ee heerkan soo gaadhay, iyadoo tartanka Miss Global ee sannadkan ka gashay kaalinta 6aad, iyadoo ka soo gudubtay wareegyadii hore ee tartanka oo lagu qabtay dalka Vietnam.

Natiijada tartanka Quruxda Haweenka ee Miss Global, waxa sannadkan ku guulaysatay gabadh lagu magacaabo Ashley Melendez oo u dhalatay dalka Puerto Rico. Kaalinta 2aad, 3aad iyo 4aad waxa ku kala guulaystay tartameyaal ka kala socday dalalka Thailand, Samoa, Philippines iyo Vietnam.

Tartanka oo noqonaya kii 10aad ee la qabto tan iyo markii la aasaasay 2013-kii, waxa sannadkan ka qayb-galay 69 haween ah oo metelayey waddamada Caalamka. Saynab Jaamac Cabdi oo magac-masrixiyeedkeedu yahay Zai Jama, ayaa hore uga soo qayb-gashay dhowr tartan oo haweenka adduunku ku tartameen dhinacyada Quruxda iyo Dhaqanka, waxaana tartamada ay ka qayb-gashay ka mid Tartanka Quruxda Haweenka dalalka Islaamka ee Miss Muslimah oo sannad kasta la qabto.

Saynab Jaamac Cabdi, ayaa ku tartamaysay magaca Miss Somali Global, iyadoo metalaysay dhammaan gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dunida dacaladeeda.

Miss Somali Global ayaa xog-warran kooban kaga dareen-celisay tartanka ay ka Qayb-gashay iyo muhiimadda uu iyada iyo hablaha Soomaaliyeed u leeyahay, waxaanay tidhi: “Waxaan soo qaaday hayaan dheer oo aan ku tilmaami karo waqtigii noloshayda ugu dhibka badnaa uguna xiisaha badnaa. Wuxuu ahaa mid koobsaday dhiirigelin badan, shaqo adayg, inaan kor u qaado kalsoonidayda iyo tabobarka naftayda.

Waxa had iyo jeer igu jiray dareen ah inaan noqdo qof u dooda dhalinyarada jaamacadaha ee barta aqoonta duulista iyo maamulka garoomada diyaaradaha.”

Iyadoo ka hadlaysa Doorka qoyskeedu ka qaateen ka midho-dhalinta hamigeeda, waxa ay tidhi: “Waxa aan nasiib u yeeshay inaan helo qoys I taageera oo igu beeray adkaysi, jacayl, daryeel iyo naxariis. Waxa aan ku soo barbaaray meel ay joogaan qoys farxad iyo Nolol jacayl igu abuuray, taas ayaana igu dhalisay inaan ku dhiirrado ka qayb-galka tartankan oo kale.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker