MADAXWEYNE “SALDHIGA MILITARIGA EMATAARKU WUXUU S/LAND LUGAHA U GALIN KARAA XURGUFTA BIYAHA NIILKA IYO IN KOOXO HUBAYSANI KA SAMAYSMI KARAAN GUDAHA S/LAND

Waayo aragnimada wixii la soo maray, u dhug lahaanshaha waxa maanta taagan, ayaa lagu odorosi karaa waxa dhici kara mustaqbalka. Qoraalkaygan waxaan ku iftiimin doonaa laba amuurood oo saamayn taban ku yeelan kara amaanka qaranka (National Security) iyo mustaqbalka Somaliland hadii SALDHIGA MIATERIGA EMARAATKU ka hirgalo Berbera.

MAGAALADA CADAN IYO EMARAATKA

Tan iyo markii xulafada Sucuudiga iyo Emaraatku dagaalka ku galeen Yemen si xukunka loogu soo celiyo madaxwaynihii Xuutiyiintu inqilaabeen ee M/weyne Abd-Rabbi Mansoor Hadi, waxa dagaalkaas ka soo baxay waxyaabo aad loola yaaabay. Koox hubaysan oo la magac baxday Golaha Ku-meelgaadhka ee Koonfurta (Southern Transitional Council) oo uu hogaaminayo Janaraal Caydaruus Al-Subaydi ayaa la wareegtay caasimadii ku-meel gaadhka ahayd ee Cadan. Kooxdan waxa taageera dowlada Emaraatka oo ka mid ah xulafada Sucuudigu hogaanka u hayo. M/wayne Hadi wuxuu ku eedeeyay Emaraatku inay ka danbeeyaan in kooxda hubaysan ee STC la wareegto Cadan, sidoo kalena Sucuudigu wuxuu aad ula yaabay hab-dhaqanka dowlada Emaraatka.  Dagaalka STC kula wareegtay Cadan waxay dhabar jab wayn ku noqotay Sucuudiga, sidoo kalena hiil u noqotay Xuutiyiinta, tanina waxay horseeday in ilaa maanta dagaalka lagu kala adkaan waayo.

Dowlada Emaraatku waxay u muuqataa inaanay lahayn qorshe ama dano istiraatijiyadeed oo mudo dheer soconaya balse waxay leedahay dano siyaasadeed iyo dhaqaale oo mudo gaaban jiraya, si dhakhso ahna isku badbadalaya  Somaliland oo dhawaan heshiis diblomaasiyadeed oo hadal ku kooban la gashay Emaraatka, saldhig milaterina u ogolaatay; maxaa ka dhalan kara hadii SALDHIGA MILATERIGA ka hirgalo Berbera? Maxaa ka iman kara hadii xidhiidhka labada dhinac xumaado?. Dowlada Somaliland sharci iyo awood midna uma yeelan doonto ay ku gasho saldhiga, kuna ogaato waxa ka dhex socda. Hadii xidhiidhka Somaliland iyo Emaraatku xumaado, Emaraatka wax ka hor istaagayaa ma jirto, wayna u fududaan doontaa inay kooxo hubaysan ka dhex sameeyaan Somaliland sida ay horeba uga soo sameeyeen Cadan, Yemen. Maxaa talo ah ee aynu kaga hortagi karnaa si aanay waxa Cadan ka dhacay oo kale inoogu dhicin?

CIIDAMO MASAARI AH OO KA HOWGALA SALDHIGA EMARAATKA EE ASAB, ERITREA

Dowlada Emaraatku waa dowlad yar oo dhaqaale xoogan leh, tirada askarteedu waa 64,000 oo ku qalabaysan hub casri ah. Awood badan oo ciidan ma laha ay ku wadi karto saldhigyo ay ka samaysatay dalal dibada ah, sidaas darteed waa inay ku tiirsanaantaa xoogag kale oo ay u adeegsato saldhigyadaa ay dibada ka samysanayso. Sida ay ku soo waramayaan qaybo ka mid ah saxaafada Bariga dhexe, bishii Janauary 2018 ayaa ciidamo Masaari ahi ka dageen saldhiga milateri ee Emaraatku ku leeyahay Casab, Eretriya, si ay uga hortagaan saldhiga milateri ee Turkigu ka samaystay jasiirada Suakrin ee Sudan. “Baroortu orgiga ka wayn” Masar culays sidaa u wayn kuma hayaan Qadar iyo Turkigu balse sida dowlada Masar aaminsan tahay waxa khatar wayn ku ah dhaamka wabiga Niil ee Itoobiya ( Grand Ethiopian Renaissance Dam). Dowlada Eritrea oo xidhiidh dhow la leh Masar uma aragto wax wayn joogitaanka ciidamada Masaarida saldhiga Emaraatka ku leeyahay Casab maadaama ay col yihiin Itoobiya balse waxa laga yaabaa inay faa’idooyin dhaqaale iyo milateriba ka helaan joogitaanka ciidamadaas.

Hadii saldhiga milateri ee Emaraatku ka dhisanayo Berbera uu hirgalo, ma laga yaabaa in ciidamo Masaari ahi yimaadaan saldhigaas? Hadii ay dhacdo, maxaan ka fili karnaa in dowlada Itoobiya kaga jawaabto?

Ugu danbayntii, waxaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo jeedin lahaa maadaama khatarta saldhigu aad iyo aad uga wayn tahay faa’idada laga heli karo, inuu hakiyo dhismaha saldhiga, dibna looga baaraandego gabi ahaanba heshiiska.

Mohamud Sh Cabdi Yusuf (Geedwareershe)

Minneapolis, Minneosta, USA

geedwareershe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker