Astaamaha Madaxweynaha wanaagsan (Qormadii 1 aad)
1. Lahaanshaha aragti Ku qotonta isbedel togan oo Ku salaysan baahiyaadka dadkiisa iyo duruufaha Ku xeeran noloshooda
2. Waa hogaamiye markasta nolol ahaan iyo dhaqan ahaanba isu muuqaal eekaysiiya sida dadkiisa dabaqada hoose ahi u eg yihiin nolol ahaan iyo Duruuf ahaanba
3. Hogaamiye hambal ah oo aan is qaadqaadin, islana weynayn
4. Hogaamiye wax dhigaysta, lehna awooda qancinta iyo xamilida aqbalaada fikradaha kasoo horjeeda ee wax dhisaya
5. Hogaamiye ka ag dhow dadka ahlu caqliga iyo ahlu xikamka ah, kana faaiisaysta talooyinkooda hibawiga ah
6. Aamin ah, aynu Ku weyn tahay dhowrista amaanada uu xambaarsan yahay
7. Hogaamiye aaminsan inuu adeege/shaqaale u yahay umadda uu madaxweynaha u yahay, aadna u ixtiraama cabashadda dadka uu hogaamiyaha u yahay
8. Ma ahan hogaamiye dhaqaale urursi iyo xukun jacayl madax maray
9. Mudada uu xilka hayo wuxuu seeska u xidhaa mujtamac is jecel oo qowmi ah oo ladnaan iyo cadaalad kuwada nool
10. Wuxuu barbaariyaa jiilal Ku shaqeeya aragtida uu qabo oo isaga gadaashii majaraha sii qabta
11. Waa hogaamiye inta badan ka fekera sida dadkiisa iyo dalkiisu u eekaan doonaan sanado ka dib, iyo in dadkiisa helaan nolosha ay istaahilaan, kheyrkoodna Barbara degaan
LA soco qormada Danbe iyo Astaamaha Madaxweynaha Dibu-socodka ah
Qalinkii: Mr Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-lucky)
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com




