Ururka Waddaniga ee Vosomwo oo Magaaladda Hargeysa Kulan Aqoon Kororsi ah Ugu Qabtay Haweenka Dan-yarta ah ee ku Ganacsada Dariiqyadda

Hargeysa(OWN)- Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo oo u dooda xuquuqda Haweenka iyo dadka la Takooro, ayaa Magaaladda Hargeysa ku qabtay kulan balaadhan oo u kor-u-qaadaayo xirfadda haweenka ku ganaacsada dariiqyada Magaaladda dhex-dooda.

Aqoon-kororsiga, ayaa waxa xooga lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ganacsi ee haweenka jilicsan, isla markaana loo kobcin lahaa xirfadahooda ganacsi, haweenka loo qabtay aqoon kororsigaa, ayaa u badnaa Beelaha la hayb-soco, iyaddoo sidoo kalena ay qaybka ahaayeen haweenka bulshada kale, oo laftoodu ah dadka jilicsan.

Kulankan aqoon iswaydaarsiga ah, ayaa waxa goobtaa casharo faa’iddooyin ganacsi leh oo badan ku siiyey khuburo ku takhaakhusay cilmiga ganacsiga iyo dhaqaale kordhinta, waxana loo sharaxay hababka ganacsiga loo koriyo, sidoo kale waxa goobtaa loogu soo bandhigay habab muuqaalo iyo sawiiro ah oo lagu baray kordhinta ganacsiyadooda.

Agaasimaha Ururka waddaniga ee Vosomwo Faysa Cabdilahi Diiriye waxay sheegtay in haweenka jilicsan ee ku ganacsada dariiqyadu, kulankani kor u qaaday oo faaidooyin waaweyn oo kala duwana ay ka kororsan doonaan. Sidoo kale waxay sheegt ay in mashruucan fulintiisa ay iska kaashaddeen Hay’adda (SIHA) oo maalgelisay iyo sidoo kale Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo oo fulinaya, mashruucan ayaa la filayaa inuu socdo muddo laba sanadood ah, iyaddoo ay ka faa’iddeysan doonaan haweenka nugul ee jilicsan.

Haweenka kulankaan loo qabtay, ayaa u muuqday kuwo kororsadday oo wax ka bartay mudadii uu socday aqoon iswaydaarsigani, iyagoo aad uga mahad celiyey kulankan, isla markaana aqoontooda ganacsi wax ancay ay kala hoyan doonaan.

Ururka Waddani ee Vosomwo, ayaa isaggu ah mid mar walbaa u taagan sidii uu dabooli lahaa baahiyaadka bulshadda jilicsan ee haweenka iyo bulshadda la takooro, kaasoo had iyo jeer qabtaa kulamo aqoon kororsi iyo xuquuqda aadamaha ku saabsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker