Xaalada Wadashaqayneed ee u dhaxaysa Wasaarada Waxbarasha Somaliland iyo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay oo Noqotay Mid Cakiran
Xaalada Wadashaqayneed ee u dhaxaysa Wasaarada Waxbarasha iyo Dugsiyada Gaarka loo Leeyahay oo Noqotay Mid Cakiran
Sanadkii hore ee 2018-kii ayaa sidan oo kale la isku qabsaday muddada la
gallayo sanad dugsiyadeedka, waxaanay xukuumaddu amartay in dib loo
dhigo wakhtigii la gali jirey oo ay ka dhigtay dhamaadka bisha August,
haseyeeshee
Waxaanay maalintaasi ku doodayeen dugsiyada gaarka loo leeyahay laba
qodob oo kala ah: in marka hore loo sii sheegin iyo qodobka labaad oo ah in
macalimiinta u dhigta dugsiyadu lacagtoodu ku xidhan tahay ardayda, sidaas
darteed hadii fasaxa la dheereeyo aanay mushahar heleen.
Markii Xaalku Cakirmay waxa tanaasulay wasaarada waxbarashadda,
waxaana loo yeelay sidii ay doonayeen mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo
leeyahay, taas oo ay ka odayeeyeen odayaal culculusi.
Sanadkan iyo mar labaad waxa hadana fooda iskula jira isla kuwii sanadkii
hore uun is haystay, wasaaraddu waxay bishii afraad ee sanadkan wakhti aan
la gaadhin fasaxii dugsiyada waxay ogaysiisay dhamaan dugsiyada
waxbarashada in dugsiyad la furi doono August 15-keedda, haseyeeshee
waxay dugsiyada gaarka loo leeyihiin codsadeen in bisha August 3-deeda laga
dhigo, haseyeeshee wasaaraddu waxay is taagtay meel dhexe oo ah in bisha
August 10-keeda laga dhigo, iyaguna way ogolaadeeen.
Qolooyinka dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ogaadeen in bisha August
tobankeeda Cidii Carafo ku beegan tahay oo ay dib ugu dhacayso wakhtigii
wasaaradu doonayso ee 15 August, taasina aanay u saamaxeen inay lacag ku
urursadaan maadaama oo ay doonayeen in bisha August 3-deeda marka la
soo gallo inta ka hadhay Ciidda lacagta ardayda laga ururiyo, hadii ay 15-
keedda uga dhacdo aanay suurogal noqon Karin in ardayda bisha
badhtankeeeda lacag la waydiiyo, wasaarada lafteedu waxay diidanayeen in
ardaydii oo aan wax loo dhigin markay soo galaan fasax ciid hadana lacag
laga ururiyo sidaas ayey ugu adkaysatay inay ku beegto maalinta ciidda
fasaxana lagu xigsiiyo ay noqonayso maalintay rabtay in dib loo furooo ay ku
beegmayso august 17-keedda.
Markii wasaaraddu u soo dabci wayday waxay go’aansadeen inay amarkii
wasaarada jabiyaan oo la furo bisha August-3deeda si ardayda lacag looga
urursado, si taasi u suurto gashana way is wada dhaarsadeen intooda badan
mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaana hadda ku balansan
yihiin in toos loo furo bisha August 3-deeda.
Hadii ay sidaas sameeyaan oo lixda subaxnimo furaan dugsiyada oo iyado la
dhiganayo ciidanka amnigu isku dayaan in dugsiyada laga soo dareeriyo
ardayda waxa dhacaysa inay isku dhacaan ardayda iyo ciidanka, wayna adag
tahay in arday badan oo dugsiyadii ku jira la soo dareeriyo, taasi oo abuureysa
buuq iyo inay iska hor yimaadaan ciidanka iyo ardaydu.
Hadii maamulayaasha dugsiyada la xidhana dhibaatadii waxay ku dhacaysa
uun shaqaale miskiin ah waayo ninka maamulihii waa shaqale la amrayo ee
hadii cid khalad la saarayo ama la xidhayo waxa iska leh mulkiilayaasha,
sidaas darteed,hadii maamulayasha la xidhayo iyo hadii ardayda oo xiisadii ku
jira laga soo dareeriyaba midna ma fiicna talaabo wanaagsanna maaha.
Car iyo wirta ka taagan dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaarada
waxbarashaddu waxaynu eegi doonna maalmaha soo socda cidda teedu
hirgasho iyo siday wasaaraddu arrimahaasi u maareyso, waayo sanadkii hore
odayaal ganacsato ah ayaa dhexgashay, maanta inay odayaashii dhexgalaan
iyo in si kale loo furdaamiy baynu la socon doonnaa.
By Suxufi Sinyoore