BOQORKA BUURMADAW WELIGIIBA XADHIGIISU WAA XADHIG SIYAASADEED DAWLADIHII KALA DAMBEEYEY OO DHAN OO QABIIL U SAL YEY.

BOQORKA Cismaanka loo yaqaan ee reer Ceel-Afweyne waa nin aad u firfircoon xagga qabyaaladda reerraysan ee ka jirta geyiga reer SOMALIAND. Wixii lagu xidhay dawladii kala dambeeyey waa isku wada mid, mid kasta isaga iyo Madaxweyne ha markaa jooga ee xadhigiisa loo aaneeyo ayey dusha uga muuqataa inay is hayaan laakiin Mar walba xaqiiqadu waa inaan madaxweynaha markaa jooga toos la isu hayn ee arin madaxweynaha ka shisheeya laakiin siysasadiisa toos ula xidhiidha ayuu Boqor Buurmadaw xaalad abuur ka sameeyaa hadal ahaan xaqna wuu u yeelan karaa inuu hadlo sida dadka kale ama suldaanada kaleba u hadlayaan laakiin waxa isaga lagu xidhaa waa arin siyaasadda qabiilkiisa khusaysa oo xasaasiya.

Markii SIILAANYO Xukuumadiisii xidhay qabiilkiisa BOQORKA uu u tahay waxay yidhaahdeen bagaa la xidhay oo cidi umay hadlin laakiin markii ay xukuumadda Muse Biixi Imika Xidhay qabiilkiisa reer sanaag arinkaa wey ka qayliyeen maxaa wacay sidaa waxay fahansanyihiin inuu Boqorkoodu iyaga u doodayo waxyaalaha reer Kulmiye maanta isku hayaan ee ah Kursiga Gudoomiyaha Kulmiye.
Kursiga Muse isagu shaqsi ahaan iyo reer ahaan maanta uma baahna wixii ka rabay wuu ka helay laakiin (Question of the moment) waxay tahay maanta yaa kursigan isku haya maanta, arinkani qof walba oo reer SOMALIAND ah waa u (home work).
Markaad dib u milicsato siduu Hoggaanka dhabta ah ee Kulmiye siyaasadda Kulmiye u soo waday sideedii sano ee u dambeeyey ayuumbuu maantana u sii wadayaa oo ciddii is tidhaa wax ka bedelna debeddaa la dhigayaa Distoorna loo eegimaayo, caddaaladloo eegimaayo ee Debeddaa laga dhigayaa Xisbiga Kulmiye.
Haddaynu diirkaba ka qaadno BOQORKA maxaa lagu xidhay? Boqor ka Muse Biixi uma xidhna Madaxweyne ahaan ee wuxuu u xidhan yey Hoggaanka dhabta ah ee Kulmiye, hadalkuu Puntland ka yidhi uma xidhna ee ewelba in la xidho beryahaba wey u qornayd ee dadka wixii loogu macnayn lahaa ee lala sugayey ayuu lugta la galay.
Waxaa loo sheegayaa BOQORKA iyo taageerayaashiisa farwaaweyn inaan Maanta Shir Garadag loo baahnayn Kursigana cidda kalee rabta ayuu u xidhanyey waana Hoggaanka dhabta ah ee Kulmiye.
Waxaa dunidan (“Scientifically) ku haynaa wax kastaa inay (life-span) leeyihiin oo ay si natural ah qunyar qunyar u suulaan. Kulmiye dhammaadkiisii wuu soo bidhaamayaa runtii Muse Biixi  Waxa la gudboon inuu fahmo taariikhdiisa quruxdeedii ama fool xumadeedii ayaa hortaal isagay u utaal tuu dooranayo. Anigu waxaan kula talin lahaa wadadii Siyaasaddii XUKUUMADDII uu SIILAANYO ka xanuunsaday inuu ka baydho oo qabaailka mideeyo oo SOMALIAND mideeyo waa ku qasab waayo Somalia hubaal wey midobaysaa weerar cir iyo dhul ahna way soo qaadaysaa hawshu waxay u taalna waa Beesha dhexe waxa loo yaqaan. Somalia iyo Imaaraadka wey is ashka taynayaan caalamkaana u garnaya maxkamadahooda Somalia ayaa ka guulaysanaysa sida Imaaraadka uu ogyey waa sababta uu u leeyahay midnimada somalia ayaanu taageersanahay dacwadda ku soo fool leh buu ka siii afeef dhiganayaa.
Muse Siyaasad cusub iyo dhiiri baa looga baahanyey ka saarimayso Siyaasad dii Xukuumaddii SIILAANYO ka xanuunsaday.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker