Maxkamada gobalka  Maroodijeex  Oo Boqor Buurmadaw Ku Xukuntay 5 Sanno Oo Xadhig Ah

Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa Maanta shan sano oo xabsi ah ku xukuntay boqor Cismaan Aw-maxamuud (Buur-madow), kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ka hor yimid qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa Todobaadkii hore ay ciidanka boolisku kasoo xidheen huteel magaaladda Hargeysa ku yaalla, waxaana maalin kadib lagu sii daayay damiin.

 

Boqorka ayaa lagu eedeeyay hadalo ka dhan qadiyada Somaliland oo uu ka jeediyay madal lagu caleemo saarayay beel daajiye oo ka dhacday Puntland, halkaasi oo isaga iyo xubno bahda dhaqanka ah oo reer Somaliland ah lagu martiqaaday.

 

Boqor buurmadow

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker