“Maraykanku Wuxuu U Baahan Yahay Inuu Aqoonsado Somaliland Ka Hor Inta Aanu Ruushku Ictiraafin” Michael Rubin.

Michael Rubin oo ah macalin sare iyo sarkaal hore uga tirsanaan jiray Wasaaradda Gashaan-dhigga Maraykanka, ayaa dawladda Maraykanka u soo jeediyey inay aqoonsato Somaliland.

Image result for Michael Rubin

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Michael Rubin shalay ku daabacay Wargeyska Washigton Examiner, oo ka soo baxa Maraykanka, waxaanu ciwaan uga dhigay : “Maraykanku wuxuu u baahan yahay inuu aqoonsado Somaliland ka hor inta aanu Ruushku ictiraafin.”

 

Michael Rubin wuxuu sheegay in inta badan dadka Maraykanku ay ka fikiraan Somalia, iyagoo sawiranaya in diyaaradii Black Hawk Down, Budhcad baddeeda, carruur macaluulaysa iyo qaska ka taagan Somalia. Waxaanu tilmaamay in 148 Milyan oo qof oo Maraykan ahi oo ku dhow kala badh dadweynaha dalkaasi ay dhasheen intii ka dambaysay Burburkii Somalia, balse duruufahaastabani aanay ka jirin Somaliland oo rubuc qarni ku naaloonaysay madax-bannaani oo muddo dheer la iska indho tirayey ay noqon karto meelmuhiimad leh oo ay ku hirdamaan Maraykanka iyo Ruushku.

Waxa kaloo warbixintaas lagu sheegay in Somaliland ay 27kii sannadood ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay ay samaysatay dawlad taabogal ah, iyadooaan adduunka ka helin wax taageero ah.

Michael Rubin wuxuu iftiimiyey in arrimo badan Somaliland ay ka shabahdo Taiwan oo muddo dheer uu sheeganayey Shiinuhu. Waxa kaloo uu ku dooday inSomaliland sida Taiwan ay horumarisay nidaamkeeda siyaasadeed oo ka duwanSomalia oo ay jaar yihiin. Iyadoo Somaliland ay ka jirto nabadgelyo taam ah islamarkaana ay leedahay lacag u gaar ah.

Mr. Micheal waxa uu xusay in Somaliland ay tahay meel ka caagan budcad baddeeda oo ka jirta maamulgoboleedka Puntland iyo kooxaha xagjirka ah, waxaanu caddeeyey in Somalia dhexdeeda ganacsatada iyo hawl-wadeennada samafalku ay la nool yihiin qaraxyo, halka Jamhuuriyadda Somaliland ay dadka reer galbeedku ku haystaan nabadgelyo.

Sidoo kale, Micheal Rubin wuxuu is weydiiyey maadaama oo ay Somaliland samaysay horusocod sababta Maraykanku u xaaleyn waayey? Waxaanu tusaale u soo qaatay in Eritrea ay ka go’day Itoobiya, isla markaana South Sudan ayxornimadeedii ka qaadatay Suudaan.

Waxa uuku tirtirsiyey Maraykanka inay lama huraan tahay inay ictiraafaan Somaliland ka hor inta aanu Ruushku aqoonsi ugu beddelin Somaliland saldhig millatari oo uu ka furto magaalada Saylac oo ka tirsan Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker