Horaa loo soconayaa

Dhaqane iyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan iyo

adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegeyso

 

Dhaqane;Waar heedhe waatan dhirti idinku soo yaacdee beentii kashifantee maxaa yeelaysaan?ma idho adayg baa iskaga wadaysaan?

Dhaashane;Adeer HORA LOO SOCONAYAA.Idinka Faysal baa idiin jawaaboo yidhi,hadaa kursiga waydeen dalku ha dumo idinka yeeli mayno.

Dhaqane;Faysal intuu anaga noo jawaabayo qayrkii afar iyo labaatan saacadood ka yar buu boqorkoodii ku soo daayee car Naciima Qorane soo daa dheh.mid kale saddexdan arimood ee umadu idinka sugaysosi uun ka yeela dee.

Dhaashane;Oo waa saddexdee?

Dhaqane;Dee waa inaa heshiiskii imaaraadka inaa ka noqotaan,Qorshahaa dowlada ku hogaamin lahaydeen inaa noo sheegtaan iyo ina is casilaysaan iyo in kale inaa cadaysaan.

Dhaashane;Waar waxan aad shubayso anagu cid naga sugaysa ma ogin adeer.

Dhaqane;Anagu waxaan idin leenay,Ma karayno inaanu imaaraadka la hadalo haday tahay ISKU DAYA.Ma garanayno qorshe aanu dowlada ku hogaamino haday tahay BARTA.Ma dhici karto inaan is casilo haday tahay TIJAABIYA.

Dhaashane;Anagu waxaanu idin leenahay waa soo dhaafteen xadkii mucaaridku lahaa si qaawan baa loo wada hadli hadaa waxaa joojin waydaan.

Dhaqane;Waar heedhe waxa la yidhi,Beri baa oday damcay inuu min yaraysto .reer buu inan ka doonay oo la siiyey .wuxuu yidhi jimcaha soo socda ayaa aqal geliyaa .show ma ogee islaantiisii hore way la socotaa sheekadoo dhan.Galabtii khamiistii ee ay beri jimce noqonayso ayuu islaantiisii hore goor hore u soo hoyday oo gurigiisii iska seexday.subaxii hordadii ka booday oo si fiican u bedeshy .Islaantiisii baa tidhi ,Ee xageed u bedelatay eed tegaysaa?Wuxuu yidhi,sow jimce maaha masaajidka ayaa tegayaa dee.Waxay ku tidhi;Ee jimce maahee waa Sabti.doorkan dawadii hordadaan ku siiyey lakiin doorka dambe aakhiraan kuu diri doonaa hadaad waxaad wado joojin waydo.

 

 

 

Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker