Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo geeriyootay

Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in wasiirkii xuquuqul-isnaaka iyo Arrimaha haweenka ee dawladda Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, ay magaalada Jabuuti ku geeriyootay.

Waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Wuxuu intaa ku daray in wasiir khadiija xaalad caafimaad oo degdeg ah ay lasoo daristay, kadibna la dhigay isbitaal ku yaal Jabuuti iyadoo qaliin lagu sameeyay.

Wuxuu kaloo sheegay Wasiir Al Cadaala, in qaliinka kadib aysan kasoo kicin suuxdinta sidaasna ay ku geeriyootay.

Wasiir Khadiija ayaa ka mid ahayd masuuliyiinta ka qayb galaysay shirka sannadlaha ee Heritage.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay war rasmi ah kasoo saari doonto geerideeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker