MAXAMUD XASHI ILAYN DOQONI QIIQ KAMA KACDEE DAMANKAY MEER MEERISAA WADDANKII WAAD CUNTEENE MAXAAD MAATADA UGA TAGTAY

Maxamud xaashi ayaa manta soo hor fadhiistay TV yada halkuu iska qarin lahaa maatada uu dhacay hantidooda iyo Qarankii uu denbiga ka galay waa ninka isle cid eeda ka dulqaad Odaygii aan waxba kala ogayn ee uu qalinkiisa iyo saxeexiisaba ku shaqaysan jiray, waxaa la yidhi fiintu roobka soo socday ka sii oydaa waxaa uu ogyahay hadii siilaanyo maxkamad la horkeeno in aanu ka baxsanayn ee uu soo gelayo qoolka markaa waa inuu xamar iyo meeshuu isgu wax la saxeexday cid kale ku tisaa.
 

Somaliland  aan xasileyninee samada xiimeysa

Somaliland  xalaashii yartahoy badatay xaaraantu

Somaliland  xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto

Somaliland xumaantii gar tahay xaquna duugoobay

Somaliland ninkii Xararba taga kuba xujoobaayo

Somaliland midkii reerka xada loo xadreynaayo

Somaliland xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka

Somaliland maxamudkii xaday manta faro fiiqay

Somaliland nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo

Somaliland Xaabley iyo Injiri hargaysa ka tookheyso

Inkastoo xurgufo hoose iyo qabiil laysu xulufaystay

Mar haddii fartii iyo ishii kaadhka xukuntan loo diiday

Waxaa ragg u liita nin danbas ka kacay oo dhuxushii noolayd dadka ka bakhtiiyey oo hadana isa soo hortaaga waxaa hadlay wasiirka arrimaha debeda ee imaaraadka waa la wada dhegaystay maxaa maxamud xashi inoo hayaa ee inoo sheegayaa isagaa wax loo saxeexaye muu ka jawaabo intuu is leeyahay belayaayaa kugu soo bixi aad cuntay kolayn calafsan maayee maataduu dhacayna way ogyihiin illahayna (sw) waa arkaa

Xuunshada sideedii qof cuna xaabka soo uraya

Xayawaanno duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye

Kan xaraarad hooggeen u qaba xasarad sii socota

Ee  xaseyso weli maal lahow xaasid baad tahaye

Xaakada bukaannada ildaran xiito waayeel ah

Xaamilada ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday

Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay

Ubad xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan

Xinjiraha qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso

Yey kaa xargagin ee intaad xaabsatoo kariso

Meydkooda xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye.

 

 

CABDI CALI OBSIYE

jmladam413@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker