TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO. Qormadii 20` aad .
. SABABAHII KEENAY INAY WIIQMATO DAWLADU
SABABIHII KEENAY IN AY DAWLADU WIIQMATO IYO DAGAALADII SOKEEYE EE DHEXMARAY WIILASHII AMMIIR FAYSAL .
Markii uu xilka qabtay Ammiir Cabdullaahi bnu Faysal arrimuhu waxa ay ahaayeen kuwa si fiican u socda , haddi aanay jiri lahay mucaaradad xooogan oo kaga imanaysay walaalkii Sucuud bnu Faysa , kaas oo aan la heshiinin walaalkii markii xilka loo cumaamadaayey. Waxaana jiray raali galin uu dalbaayey Cabdullaahi oo uu kagga codsanaayey walaalkii innuu ilaaliyo xidhiidhinta qaraabanimada iyo walaaltinimadaba , taasna waa uu ku gacan saydhay. Waxa kale oo jiray isku dayo lagu fardaaminaayey sidii uu u baaqsan lahaa inuu daagaal ka dhex qarxo labadooda walaalaha ah. Waxa uu Sucuud u tagay qabaa`ilka Ma`rib kuwaas iyo kuwa kale oo uu u tagayba waxa uu ka dalbaday hiil iyo in ay ciidamo siiyaan waanay ka aqbaleen oo ciidamadii waa ay siiyeen. Waxaanu walaalkii dagaal kula jiray muddo dheer oo uu kolba dagaal soo qaadaayey oo lagu jabinaayey. Sidoo kale Maxamed Faysal oo ay walaala ahaayeey Cabdullaahi iyo Sucuud waxa uu taageeray walaalkii Cabdullaahi waxaanu ahaa hogaamiyaha ciidanka boqortooyada Sucuudiga, ugu danbayna dhawr dagaal oo ay Maxamed iyo Sucuud iskaga horyimaadeen waa lagu jabiyey ismanna aannu dhiibin Sucuud ee waxa uu u baxsaday dhinaca Xassa iyo Baxrayn halkaas oo uu qabaa`ilka Cajmaan ciidan ka soo urursaday ka dibna dagaal ayuu ku soo qaaday Riyaad waanu qabsaday , waxaana ka cararay Ammiir Cabdullaahi iyo colkiisii , sidoo kale waxa uu qabtay Sucuud Faysal oo uu jeelka dhigay walaalkii Maxamed Faysal. Markii uu magaaladii qabsaday ayuu maamul cusub u sameeyey. Ammiir Cabdullaahi waxa uu ku soo laabtay Waadul Xaniifa halkaas oo uu ciidamo ku urursaday si uu dagaal rogaal celin ah ugu qaado Riyaad , waxa kale oo uu Cabdullaahi ergo u diray Turkiga, Ciraaq iyo Madxat Baashe. Waxaanu ka codsaday kaalmo ciidan iyo saanad degdeg ah, ka dibna waxa uu Madxat Baashe u soo diray ciidamo ladagaalama Sucuud , ka dibna ciidamadii waxa ay ku jabiyeeen ciidamadii Sucuud Xassa , waxaanay ku nagaadeen ciidamadu halkaas muddo oo uu Turkiguna dusha ka maamulaayey , sannadkuna waxa uu ahaa 1288 hijriyada oo ku beegnayd 1870 miilaadiga , sidoo kale Cabdullaahi waxa uu ciidamo labaad ku weeraray Riyaad , waxaanu jabiyey ciidamadii Sucaad , waxaanu mar labaad la wareegay gacan ku haynta magaalada Riyaad .
Sucuud kuma joosanin jabistii ciidankiisa iyo gulufkii lagaga fara maroojay Riyad ee waxa uu hadan soo urursaday ciidan xoog badan , waxaanu ku soo rogaal celiyey dagaal Riyaad oo uu hadana ka fara maroojiyey Cabdullaahi. Guushii uu gaadhay Sucuud may noqon mid loo haniyeeyo , sababtoo, waxa Najda markiiba ka dilaacday macaluul ba`an , taas oo keentay innay dad badani ku kacaan Sucuud oo ay ka horyimaadaan , ugu danbayntiina arrinkaasi waxa uu keenay inuu Sucuud ka baxo magaalada Riyaad oo uu una magacaabo Badhasaab uga wakiil ah. Waxaanu u magacaabay adeerkii Cabdullaahi bnu Tarki .
Waxaanu u anbabaxay dhinaca koonfureed ee wadanka halkaas oo uu muddo joogay heshiisna lagalay qabaa`ilkii halkaas deganaa ,waxaanu soo urursaday ciidan badan .Waxaanu soo weeraray Riyaad oo uu qabsaday , sidoo kale waxa uu xidhay adeerkii Cabdullaahi. Waxaanu heshiis lagalay dadkii deegaan oo uu u sameeyey maamul markii uu sannad maamulaayey ayuu geeriyooday .
Markii uu geeriyooday Sucuud waxa xilkii la wareegay walaalkii Cabdiraxmaan Faysal bnu Turki , waxaanu muran ku saabsan dhaxal sugidu dhexmartay wiilashii Sucuud , waanu ka tanaasulay Cabdiraxmaan oo xukunkii waxa uu ku wareejay Cabdullaahi , Cabdullaahina muddo sidaas u siibadnayn ayuu hayey xilka oo waxa ku kacay caruurtii uu dhalay suucuud waxaana kow ka ahaa Maxamed bnu Sucuud oo isagu diyaarsaday ciidamo u dagaalama, ugu danbayniina Cabdullaahi dagaalkii waa lagaga xoog batay oo waa la xidhay, waxa kale oo markan hoos u dhac weyni ku yimi jiritaankii dawladnimada Sucuudiga oo waxa gobolka ka soo ifbaxay awoood labaad oo ah tii maamulkii bnu Rashiid oo iyadu kolba isasii balaadhinaysay .
Maantana halkaa ha inoo joogo Maqaalku . Lasoco qaybta 21aad maalinta khamiista ah ee fooda inagu soo haysa Insha Allahu tacaalaa. Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi Qoraa/Mutarjim Bariise_77@hotail.com/www.facebook/maxamedbariise