Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Oo Aqoon Is-Waydaarsi Lagu Gorfaynayo Shaqo Abuurka Ka Furtay Burco

Burco(OWN)- Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska oo aqoon is waydaarsi balaadhan u qabatay Jaamacadaha somaliland kaasi oo daaranaa sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa ardayda ka baxda jaamacadaha dalka waxaana qayb ka ahaa aqoon is waydaarsigaasi qaar ka mid ah shirkadaha dalka ee ah loo shaqeeyayaasha ah, waxaana ka soo qayb galay aqoon is-waydaarsigaasi Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh,Agaasimaha Tacliinta Sare Axmed Muuse Muruud,Qaar ka mid ah gudoomiyayaasha Jaamacadaha dalka Iyo madaxa hayada maalgalinaysa kulankani ee SPARK Axmed Ciise.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada Burco Pro Saleebaan Jaamac Cabdi kaasi oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dhalinyarada la baro sida loo shaqeeyo waxaanu xusay in ay tahay in ay shirkadaha ka jira gudaha dalka ay qaataan ardayda dhigata jaamacadaha kaasi oo sheegay in ay baranayaan sida loo shaqeeyo ayna fududaanayso hanaanka shaqo abuurka.

Geesta kala waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada Nugaal ee Gobolka sool Cabdirisaaq Maxamuud Aadan(Lafoole) kaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin kulan hawleedanki ah mid lagu dhiiri galinayo sidii dhalinyarada shaqo abuur loogu samayn lahaa taasi oo ka bilaabmata mashruuca shaqo qaran oo dhalinyarada la baro hanaanka loo shaqeeyo waxa uu xusay ka jaamacad ahaan in ay si weyn u garab joogaan mashruucan.

Madaxa Hayada Spark Axmed Ciise oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay hada ka hayad ahaan ka shaqeeyaan sidii ay u dhiiri galin lahayeen dhalinyarada hadii ay noqoto barnaamijka shaqo abuurka oo ay ka shaqeeyaan gaar ahaan sidii ay u dhiiri galin lahayeen dhalinyarada shaqo raadiska ah iyo kuwa keena fikrado ganacsi oo loo maalgaliyo waxaanu xusay in ay ku faraxsan yihiin in ka Spark ahaan garab joogaan dhalinyarada iyo horumarkooda.

 

Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaarada waxbrashada Iyo sayniska Axmed Muuse Muruud oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay qayb weyn ka yihiin kana qaadanayaan mashruuca lagu dar-dar galinayo siyaasada lagu horumarinayo shaqo abuurka dhalinyarada dalka waxa uuna xusay in ay muhiin tahay in ay shirkadaha ka shira dalku ay fahmaan ahmiyada ay leeyihiin dhalinyarada wax baratay dhiiri galiyaana in ay kor u qaadan aqoonta iyo farsamadooda shaqo.

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay Shirkana furay Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Cabdiqaadir Maxamud Sheekh oo taabtay in uu yahay aqoon is waydaarsigan lagu gorfaynayo barnaamijka shaqo abuurka kii labaad ee ay dalka ka qabtaan kaasi oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan rabaan sidii ay u wada jaan qaadi lahayeen shirkadaha ka jira dalka iyo ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka waxaanu xusay in ay garab joogaan shirkad kasta oo ku dhiirata sidii ay shaqo abuur ugu samayn lahayd Ardayda kala duwan ee ka qalin-jabisa jaamacadah dalka.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker