Jeneraal Moorgan Oo Shaaciyey Inuu U Taagan Yahay Tartanka Musharaxa Madaxweynaha Puntland

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo soo noqday wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya ee burburtay, ahna Jeneraal Milateri ah ayaa kaga dhawaaqay magaalada Bosaso in uu sannadka 2019-ka.
Jeneraal Morgan ayaa sheegay inuu isku soo sharaxay sidii uu Maamul Goboleedka Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay ammaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.
Musharax Morgan waxa uu sidoo kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarada reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la’aan baahsan.
Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandaqadda Puntland, ayna ka codsadeen inuu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.
General Morgan ayaa waxa uu ka mid ahaa dhiigyacabyadii ka qayb qaatay xasuuqii loo loogaystay Shacabka reer Somaliland sannadihii Siddeetamaadkii ee uu qaybta ka ahaa xukuumaddii soddogii Maxamed Siyaad Barre. Isaga oo lagu tiro madaxdii ugu xumayd ee xasuuqa gaysatay.

 

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker