Imaaraadka Oo Rasmi Ahaan U Caddeeyey In Heshiiska Berbera Ay Dawladdii Hore Ee Muqdisho Ka Saxeexdeen

Wasiiru-dawlaha Khaarajiga waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay in heshiiska Dekedda Berbera lagu ballaadhinayo ay wada shaqayn iyo fududayn uga heshay dawladdii hore ee Soomaaliya ee uu hogaamin jiray Xasan Sheekh Maxamuud sifo sharci ahna ay heshiiskaasi kula gashay dawladda Somaliland oo aan aqoonsi haysan balse aanay Imaaraadka wax ka hor istaagaya in ay wada sahqayn horumar iyo ganacsi la yeeshaan isaga oo sheegay in ay ku taagan yihiin sidii ay Geeska Afrika, gaar ahaan Marinka Badda Cas ee Somaliland ay uga dhigi lahaayeen goob istaraatiiji ah oo abuurta ganacsi iyo horumar.
Hadalkan ayaa meesha ka saaraya inta badan sheegashadii ay dawladdii hore ee Somaliland ku celcelin jirtay ee ay ku beenin jirtay in dawladdii Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud aanay wax saamayn ah ku lahayn heshiiskaasi balse waxa uu Wasiiru dawlaha Khaarajiga ee Imaaraadku daboolka ka qaaday oo caddeeyey in ay Dawladdii Xasan Sheekh Maxamuud marsatay heshiiskaasi Dekedda Berbera maadaama aanay Somaliland haysan aqoonsi caalami ah oo ay heshiisyo sidan oo kale ah kula gali karto dawladaha adduunka.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda dowlada Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee wakhtigan ka dhaxaysa iyaga iyo maamulka Muqdisho ee aan awoodda lahayn balse ku faana aqoonsiga wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. Mr. Qarqaash ayaa shaaciyey in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhexmaray dowladdii hore ee Soomaaliya iyo dowladiisa. Ninkani Waxa uu sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aanay wax xidhiidh ah oo dhinaca diblomaasiyadda ah oo weyn la lahayn Somaliland balse ay wada shaqayni ka dhaxayso, isla markaana Qunsuliyad iyo Safaarad midna ku laheyn.
“Heshiiska Dekeda Berbera waxaan hore is faham cad uga wada gaadhnay dowladiii hore ee Soomaaliya, waxay hoos imanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah, annaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin, iskaba daayee waxaanu kaalin fududeyn ah ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida (Somaliland iyo Somalia), waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dubai, haddii aan aqoonsanahay siyaasadda Soomaali mid ah, taasi nooma diidayso inaan ka shaqeyno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada inaan Somaliland ka sameyno” ayuu yidhi Anwar Qarqash.
Wasiirka ayaa soo hadal qaaday wada hadalada lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladda Muqdisho isagoo sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay wada hadal furan oo daah saarneyn.
“Qof ku kalameynayay 20 illaa 25 sano haddii ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma aha inaad qabsato dayaarad ay saaran yihiin 47 askari oo Imaaraad ah oo ciidamada tababaraya iyo ku dhowaad 10 milyan oo dollar oo ah ciidan wixii ku baxayay, haddii aad go’aankaas qaadato oo aad tiraahdo waxaan ku xalineynaa qol xidhan, taasi waa qalad aanaan aqbalayn”ayuu yidhi Anwar Qarqash oo ah Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadku.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker