Dawlada Ethiopia oo si Rasmi ah U Taageertay Dalka Kenya ,Loolanka ka dhexeeya Jabouti ee Kursiga QM

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday cidda ay taageereyso dalalka Kenya iyo Jabuuti oo isku haya kursi ka mid ah Xubin-nimada  aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka QM.

 

Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem oo Arrintan uu  wax ka weydiiyey wargeyska The Star ayaa sheegay in si la mid ah Ururka Midowga Afrika ay Itoobiya taageereyso Kenya.

 

“Itoobiya waa ay ka war-haysaa Loolanka Kenya ee kursiga Golaha Ammaanka. Dalkeena waxa uu mar walba qaadan jiray Go’aano ku salaysan mabaadii, mowqfika Itoobiya waa kan uu qaatay Ururka Midowga Afrika ee uu ku taaageeray Kenya].” Ayuu yidhi Meles Alem.

 

Jabuuti ayaa diiday Taageerada Ururka Midowga Afrika oo ujeedkeedu ahaa in dhammaan dalalka Qaaradda ay hal dal wada taageeraan, waxaana ay sheegtay inay sii wadeyso musharaxnimada iyo loolanka ay kursigan ku raadineyso.

 

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxnimada Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM.

 

Mowqifkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo Jabuuti ay si rasmi ah ugu dhowaaqday ololaha ay ku dooneyso kursigaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker