Nin Xaaskiisa Oo 19 Jir Ahayd Si Fool Xun Ugu Dilay Magaalada Kismaaayo

Kismaayo(OWN)- askari  ka tirsan ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa habeen hore wuxuu Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ku dilay xaaskiisa, sida ay xaqiijiyeen ehelada gabadha dilka loo gaystay.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muxibo Maxamed Xuseen, waxayna aheyd 19 jir dhawaan la aqal gashay ninka falka dilka ah u gaystay.

 

 

Gacan ku dhiiglaha dilka gaystay ayaa lagu magacaabaa C/laahi Asad Ismaaciil, kaasi oo hadda la soo sheegaayo inuu ku sugan yahay Madaxtooyadda Magaalada Kismaayo.

 

Muxibo allaha u naxariistee ayaa waxa uu ninkaan guursaday 15/1/2018, ehelada marxuumada ayaa waxa ay dalbanayaan in gacan ku dhiiglaha sharciga la waafajiyo, lagana soo saaro madaxtooyadda Jubbaland ee uu ku ganbanaayo.

 

Halkan hoose ka dhagayso waraysi la xidhiidha dilkaas

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker