Baanka Dhexe Oo Awaamiir Dul-dhigay Hay’adaha Maaliyadeed Ee Gaarka Loo Leeyahay
Baanka dhexe ee Somaliland ayaa Caawa soo saaray Wareegto ku socota dhammaan Hay’adaha Maaliyadeed ee Dalka ka shaqeeya, sida Sarrifleyaasha iyo Baananka sida gaar ah loo leeyhaay.
Wareegto ka soo baxday Baanka dhexe oo soo Gaadhay Himilomedia.com, ayaa u qornayd sidan:- “Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Soo Saaray Wargeegto Waajibaad Faraysaa Hay’adaha Maaliyadeed Ee Dalka Ka Shaqeeya
Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland isaga ka duulaya qodobka 133aad ee xeerka baanka dhexe Xeer Lr. 54/2012, isla markaana fulinaya waajibaadka ku xusan qodobka 4aad faqradiisa 4aad, qodobka 83aad, 74aad, 92aad, iyo 69aad faqradiisa 2aad ee xeerka baanka dhexe Xeer Lr.54/2012 waxa uu soo saaray wareegtadan:
Waxa la farayaa bangiyada gaarka loo leeyahay (Private Banks), shirkadaha Caymiska (Insuranse Companis), Sarrifleyaasha lacagaha qalaad (Exchange Dealers), adeeg bixiyeyaasha lacagaha (Money Service Proiders), shirkadaha bixiya daymaha yaryar (Micro Finance Institutions), hawl wadeenada hababka lacag bixinta, Adeeg bixiyeyaasha dammaanadaha, hawl wadeenada hababka dammaanadaha iyo dhamaan Hay’adaha maaliyadeed ee ka shaqeeya gudaha dalka Somaliland in ay:
- Iska diiwaan geliyaan baanka dhexe haddii aanay ruqsad ka haysan baanka.
- In ay Cusboonaysiistaan rusadohooda, haddii ay hore baanka ruqsad uga haysteenoo ay ruqsaddii (Licence) ka dhacday.
Sidaa daraadeed waxa la farayaa dhamaan Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka gudihiisa ka shaqeeya in ay muddo saddex toddobaad gudohood ah oo ka bilaabanta taariikhda wareegtadani soo baxday ku soo dhamaystiraan/buuxiyaan waajibaadka ku xusan wareegtadan.
ALLAA MAHAD LEH
BAANKA DHEXE EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND