War deg deg ah: oo Kasoo baxay Maamulka ku meel-gaadhka ah ee La Wareegay Talada Dalka Suudaan

Khartum (OWN):- Wasiirka gaashaandhigga Sudan, Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf ayaa taleefishinka qaranka dalkaas ka sheegay in ciidamada ay xukunka ka qaadeen islamarkaana xireen madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

“Waxaa aniga oo ah wasiirka difaaca ku dhowaaqayaa in xukunka laga tuuray taliskii islamarkaana madaxii taliska meel ammaan ah lagu hayo” ayuu yidhi Ibn Auf.

Waxa uu sheegay in milatariga ay xaalad deg deg ah geliyeen dalka, islamarkaana dhiseen guddi maamula dowladda muddo laba sano ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dowladihii heer gobol iyo heer deegana la kala diray.

Al-Bashiir ayaa afgambi ay taageerayeen Islaamiyiinta ku qabsaday xukunka sanaddii 1989-kii, waxaana xukunka laga tuuray kadib afar bilood oo dibad-baxyo joogto ha.

Dibad-baxyada Sudan ayaa billowday 19-kii December 2018, markaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dowladda Al-Bashiir ku eedeeyeen inay si xun u maareysay dhaqaalaha dalka, taasi oo sababtay sare kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo dhex-maray ciidamada iyo dibad-baxayaasha, sida ay sheegaan kooxaha u dhaqaaqa bulshada.

Halkan Hoose  Ka Daawo Muuqaalka Warkan

OODWAYNENEWS OFFICE Hargaysa : by Suxufi Sinyoore

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker