“Sicir bararku muddo ayuu soo jiitamaayey, maantana waxa xaqiiqo ah in qiimihii lacagteenu hoos u dhac balaadhani ku yimid,”

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay Sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku muddo ayuu soo jiitamaayey, maantana waxa xaqiiqo ah in qiimihii lacagteenu hoos u dhac balaadhani ku yimid, sidaas oo ay tahay waxay ahayd inay Xukuumaddu si fiican u daristo sababaha keenay sicir bararka iyo sida lagu xalin karo, laakiin Xukuumaddu go’aan deg deg ah oo aanay ka fiirsan si fiicana u daraasayan ayey ka soo saartay sicir bararka, haddana waxa la gudboon talaabo kasta oo wax lagaga qaban karo inay ku dhaqaaqdo”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Doorashada Wakiilada ayaa yidhi “Doorashada Golaha Wakiiladu waa loo cayimay inay sannadka dambe dhacaan,waxaana jirtay tabasho dhinaca saami qaybsiga, waxay ahayd in muddo dheer ka hor la sii dhammeeyo, oo la sii sameeyo saami qaybsiga, lagana sii heshiiyo, imikana muddadaas hadhay waa in wax laga sii qabta, laakiin haddii waxba laga qabanayo aad bay u adkaanaysa in Doorashadu dhacdo”.

 

Xildhibaan Bashiir Tukaale

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker