In Ka Badan 80 Booyadood Oo Siday Shidaal Wasakhaysan Oo Dib Loogu Celiyey Berbera

In Ka Badan 80 Booyadood oo siday Shidaal Wasakhaysan ayaa shalay laga celiyay laamayda u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa kadib markii la ogaaday inuu shidaalkaasi Wasakhaysan yahay,waxaana la soo sheegayaa inaan Xalay illaa Shalay wax shidaal ah laga soo rarin Berbera sababo la xidhiidho faashilka Shidaalkaasi Wasakhaysan oo mudooyinkii u dambeeyay aad looga cabanayay, Gaadiid badana ay u ciladoobeen.

Wararka  ayaa iftiimiyay in Booyadahani shidaalka Wasakhaysan siday ee Dib loogu celiyay Berbera oo 80 tiradoodu kor u dhaafaysay ay si toos ah shidaalka uga soo qaadeen Haamaha Shidaalka Berbera, waxaana la sheegay in mid ka mid ah Booyaddahaasi oo xagga dambe safka kaga jirtay oo baadhis lagu sameeyay lagu ogaaday inuu shidaalkaasi wasakhaysan yahay waxaanay taasi keentay in dib looga soo daba qayliyo Booyaddihii kale oo wakhtigaasi masaafo gaaban xaga Hargeysa uga soo dhaqaaqay Haamaha, Soona qaaday jidka Laamayda ah ee Berbera ka soo baxa, kuwaasi oo dhamaan dib loogu celiyay Xarunta Haamaha. Sida lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Berbera, Shirkadda Red Sea oo ka mid ah shirkaddaha shidaalka ka soo waarida magaalada Dubia ayaa ah shirkadda hadda keentay maraakiibtan siday shidaalkan wasakheysan. Sidoo kale Booyaddahan ayaa sida la sheegay u rarnaa Shirkadda Shidaalka soo dejisa ee Redsea oo ka mid ah Saamilayda Haamaha Shidaalka Bebera.

 

Sida ay  xaqiijiyeen Dad ku sugan Magaalada Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil, guud ahaan Keydka Haamaha shidaalka ee magaalada Berbera ayaan Shalay wax shidaal ah laga soo qaadin kadib markii la ogaaday in shidaalkii halkaasi lagu shubay uu noqday mid wasakhaysan oo waxyeelo u geysanaya gaadiidka lagu shubo. Waxaana laga fiirsanayaa Wixii laga yeeli lahaa Shidaalkaasi Haamaha ku jira oo sida la sheegay aad u badan islamarkaana khasaare badan ku keenaya Saamilayda Shidaalka haamaha ku shubata ee ay Dawladii hore Kootada ugu xidhay.

 

Saddexdii markab ee ugu danbeeyey ee ku soo xidha haamaha shidaalka ee magaalada Berbera markii la baadhay waxa soo baxday in shidaalka ay keeneen uu yahay mid xabag leh (Wasakheysan) – sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan qeybta sheybaadhka ee keydka haamaha shidaal Berbera. Keydka shidaalka ee magaalada Berbera waxa dhex yaala LAB ama qalab lagu eego tayada shidaalka dalka soo gelaya oo ay dawladdii hore dad gaar ah ku siiyey dalkana ku keenay qiimo aad u badan balse illaa hadda aan la ogayn waxa uu qabanayo maadaama dadku ka cabanayaan shidaal wasakhaysan.

 

Wararka arrinkan la xidhiidhaa waxa ay tibaaxayaan in shirkaddaha shidaalka soo dejiya oo iyagu gacanta ku haya qalabkaasi aanay muhiimad siinin natiijada ka soo baxda shidaalka ay dalka keenaan. Waxa kale oo xusid mudan ganacsatada gacanta ku haysa keydka shidaalka haamaha ee magaalada Berbera in ay iyaga uun keenaan shidaalka dib u sii iibiyaan. Wararka xalay naga soo gaadhay Berbera ayaa daaha ka rogay in gaadiidka booyadaha ah ee qaada shidaalka ay illaa Xalay hor tubnaayeen keydka haamaha shidaalka Berbera islamarkaana ay diideen in ay qaadaan shidaalka wasakheysan ee Haamaha ku jira. Gaadiidlayda dalka ayaa aad uga walaacsan Shidaalkan Wasakhaysan oo bilihii ugu dambeeyay aad looga qaylinayay, Gaadiid bandanna Waxyeelo u gaystay.

 

Masuuliyiinta keydka haamaha shidaalka Berbera oo aanu isku dayney in aan wax ka weydiiyo arrintani noomay suurto gelin.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker