Hal Qof ayaa Ku Dhintay Magaalada Hargeysa God Shidaal oo uu Ku Dhacay Halka Laba Kalana Ka Badbaadeen.

Alle Haw Naxariistee Hal Qof ayaa Ku Dhintay God Shidaal oo uu  Ku Dhacay Halka Laba Kalana Ka Badbaadeen, Godkaas oo ku yaala Kaalin ku taala Degmada Maxamuud Haybe gaar ahaan Kaalinta Baarjeex.

Hal Qof ee ku dhintay Godkaas ayaa dadweynaha Goobta joogay ciidanka dabdemiska u xaqiijiyay in ragga godkaas galay ay sifaynayeen taangiga shidaalka.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa lagu soo wargeliyay waxaana Ciidanku u baxay Hawlaglkaa, iyadoo Hawlgalkaa uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka Mudane Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.

Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa ka soo saaray Maydkii Alle Haw Naxariistee Marxuumkaas oo ku jiray Gunta Hoose ee Taangiga Godkaasi, waxaana ciidanku u adeegsaday Hawlgalkaa Haanta Neefqaadashada ee loo yaqaano [ PA].

Dadweynaha goobtaas joogay ayaa iyaguna aad u badnaa isla markaana ku soo xoomay goobtaas, waxaana mararka qaar ayay  caqabad ku hayeen ciidanka dabdemiska intii lagu gudo jiray hawlgalkaas.

Laamaha amaanka degmada Maxamuud Haybe iyo Maamulka Degmada iyo laamaha dambi baadhista ayaa iyaguna hawlgalkaa ciidanka ka caawiyay qaybna ka ahaa.

Ugu damabayn waxaa maydka marxuumkaas lagu qaaday gaadhiga gurmadka deg dega ee Cisbitaalka weyn ee Magalada Hargeysa.

Gabagabadii waxaa masuuliyiinta ciidanka dabdemisku fariin u dirayaan dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland inay ka taxadiraan waxyaabaha khatarta ku keenaya nafahooda isla markaana ka taxadaraan haday tahay Godad, Dooxooyin,bullaacado iyo waxkasta oo ay khatar u arkaan.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990 Emergency Call

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker