Culimada Suufiyada Somaliland Oo Go’aan Geesinimo Leh Kaga Baaqday In Ay Ka Qayb Galaan Shirkii Suufiyada Adduunka Oo Ka Dhacay Muqdisho

Wadaaddo badan oo ka soo jeeda Dariiqada Suufiyada ee Somaliland oo jeclaan lahaa in ay ka qayb galaan kulanka ballaadhan ee Suufiyada adduunku isugu imanayaan oo shirweynihiisii 7aad lagu qabtay caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho ayay u suurto gali wayday in ay kulankasi ka qayb galaan sababo la xidhiidha dhinaca siyaasadda wakhti dalalka Somaliland iyo Soomaaliya khilaafkooda siyaasadeed meel sare marayo.
Kulanka Shirweynaha Culimada Suufiyada adduunka ee 7aad ayaa sannadkii 7aad oo xidhiidh ah waxa uu ka qabsoomayaa adduunka isaga oo dorraad Khamiistii si rasmi ah uga furmay Magaalada Miqdisho ee dalkaasi Soomaaliya tan iyo markii kulankan la aasaasay.
Inkasta oo aan si rasmi ah loogu soo casuumin Culimada Suufiyada Somaliland haddana waxa shirkaasi la filayay in ay ka qayb galaan culimo waaweyn oo dariiqada Suufiyada ah balse uga baaqsaday xaaladda siyaasadeed ee labada dal oo aan wakhtigan saamaxayn ka qayb galka kulamo noocan oo kale ah.
Shirweynaha 7aad ee Culimada Suufiyada caalamka ayaa waxa sannadkan marti galisay Jaamacadda Imaam Shaafici ee dalkaasi Soomaaliya waxaana ka soo qayb galay Culimo Suufiyo ah oo isaga kala timid in ka badan 12 waddan oo Islaam ah oo daafaha dunida ah.
Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada dawladda Soomaaliya ayaa shirkan Khamiistii daah furay waxaanu ka dhacay Huteelka Doorbin ee Magaalada Muqdisho.
Culimada shirkan Suufiyada caalamka ee 7aad isugu timid waxa ay qaarkood ka kala socdeen dalalka Jabuuti, Lubnaan, Falastiin, Masar, Morooko, Nayjeeriya, Tuuniisiya, Ghana, Kenya, Iiraan, Ingiriiska iyo dalal kale oo badan waxaana lagu lafa guray sidii xarakada weyn ee Suufiyada caalamku u soo ceshan lahayd doorkeedii shariifka ahaa ee fidinta diinta Islaamka iyada oo laga fogaanayo aragtida islaamiga ah ee ku dhisan cunfiga iyo dagaalka. Madasha shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa culimo waaweyn oo Soomaaliyeed oo ku abtirsada Jamaacada Suufiyada.
Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ka jiraan jameecooyin badan oo Islaami ahi ayaa waxa jamaacada Suufiyada lagu tiriyaa tan ugu taariikhda weyn uguna dhumucda badan halka ay jameecooyinka badan ee aad maqasheen dhulka Soomaalida aragtidoodu soo gaadhay 40-kii sano ee ugu dambeeyey. Inkasta oo xarakaadka ama jameecooyinka islaamiga ah ee Somaliland ka jira qaarkood aanay aaminsanayn qaddiyadda Somaliland oo ay si weyn ugu furan yihiin dalka Soomaaliya haddana Culimada ama Jamaacada Suufiyada ayaa lagu tiriyaa mid iyadu ku dhegan qaddiyadda Somaliland waana ta keentay in aanay shirkaasi si weyn uga qayb galin maadaama aan loogu soo casuumin sidii culimo ka socota dal kale oo aan Soomaaliya ahayn halka ay taa baddalkeeda Jameecooyinka kale maalin iyo habeen qarsoodi ugu gaalaa bixiyaan dalkaasi Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker