Sucuudiga Oo U Kala Dab-qaadaya Dalalka Soomaliya Iyo Imaaraadka Carabta Oo Xidhiidhkoodu Xumaaday »

Xilli ay Xiisadda Diplomaasiyadeed ee DFS iyo Dowladda
Imaaraadka Carabta cirka isku sii shareerayso ayaa waxay ilo Diplomaasiyadeed sheegayaan iwladda Sacuudiga dadaal ugu jirto sidii loo xalin lahaa Khilaafkaasi.

Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga ayaa la filayaa inay Madaxweynaha DFS iyo dhigiisa Imaaraadka Carabta, Sheekh Khaliifa Bin Saayid Al-nahyaani ku wada hadalsiiyaan marka uu Shirka Madaxda Dowladdaha Carabta Maalinta Axadda ee soo socota ka furmo magaalladda Dammaam ee dalka Sacuudiga.

Diplomaasiyiin Carbeed ayaa sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta u gudbisay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhan ah DFS.

Muranka Diplomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareeray, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Garoonka Aadan CADDE BISHAN April 8-dii qabteen 9.6 million oo Dollar oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta.

Xirdhiidhka DFS iyo Imaaraadka Carabta ayaa calawsanaa, tan iyo markii ay DFS sheegtay Nowquf Dhexdhexaadnimo ka tahay Khilaafka Khaliijka ee u dhexeeya Dowladda Qatar iyo dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker