Daawo: Ciidanka Dabdemiska oo Gabadh Suuli La Dumay ka Soo Saaray Magaalada Hargeysa.


Naftood Hurayaasha Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Subaxnimadii Hore Saaka Soo Badbaadiyay Hooyo ay La Duntay Musqul ku Taala Hoyga ay Ka Degentahay Hargeysa.
———————————————————————

Hargeysa ( CDDQ)_12.04.2018- Naftood Hurayaasha Ciidanka Dabdemiska Qaranka Gaar ahaan Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Abaaro 6:00 Subaxnimo lagu Soo Wargeliyay Gurmad Badbaado kaa soo ahaa Gabadh ay la Duntay Musqul ku Taalay Guriga ay Ka Degentahay Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Xaafada Idaacada.

Ciidanka Dabdemiska ayaa Daqiiqado kooban ku Gaadhay Goobtaas waxaana Ciidanku Hawlgalkaa u adeegsaday Qalabka loogu Talagalay Badbaadada Dadka kuwaas oo ahaa Xadhko iyo Sallaamo.

Hooyada ku Dhacday Suuligan ayaa ahayd Hooyo dhashay Lix Caruura, sidoo kalena odaygeeduna xanuusanayay.

Ciidanka Dabdemiska ayaa ku Guuleystay in ay Hooyada ka soo saaraan Musqusha iyadoo Cagaheeda ku soconaysa Hasayeeshee waxaa markii Dambe Ciidanka Dabdemisku Hooyadaa u Qaaday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Hargeysa iyadoo dhaawac Fududi Soo Gaadhay.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa Gabagabadii Warbixin dheer ka bixiyay waxaanu u sidoo kale dadweynaha faray in ay ka digtoonaadaan Bullaacadaha,Musqulaha iyo Goobaha kale Ee Jilidasan. Dhanka kale Taliyuhu wuxuu ka Warramay Xilli Roobaadka iyo Hawlaha adag ee Ciidanku Hayo.

Gaba gabadii Maaha markii ugu horaysay Ee Ciidanku Soo badbaadiyo Dad ku Dhaca Suuli ama badbaadooyin kala Duwan haday noqoto Biniaadam iyo Xayawaanba iyo waliba Gaadiid waxaanay Gaadhayaan ilaa Dhawr iyo Toban Hawlgal oo iskugu jira Gurmadka.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Emergency Call

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker