Ergadii lagu mariqaadey Shirka Garxajis ee ka socotey Beelaha Harti, Samaroon, Arab, Ayuub, Gabooye, Ciise & Sheekhaal & Umadii Buurta G/Libaax fadhidey, oo kawada mara kacay in S/L aan loo sinayn,

Somaliland lama ictiraafin ee laakiin waxay ahayeen, Beelo isu tegey oo wax
isku darsadey oo Dastuur ku heshiiyey, oo dhawr & Labaatan sano Nabad ku
wada noolaa.
Hadaba, Xukuumadihii kulmiye ee Siilaanyo & Muuse waxay ka dhigeen inay
wixii lagu heshiiyey ay ka baxeen kay dhigeen Boqortooyo laba Reer isu
bedelaan, boobaan, qaataan, Mood & Noolba iyagoon cidna u habranayn waxna isaga tirinayn Beelihii kale,
Xukuumada Kulmiye ee Siilaanyo & Muuse waxay ku andacoodeen inay laba’
Reer oo Gaashaanbuur & Jeegaan ay ula baxeen, ay iyagu Hantida Umada ka
dhaxaysa, Cir, Dhul & Badba sidey doonaan  u xaraashaan, Xaqul-qalin ka
qaataan Acountyo debeda ku shubtaan, oon xeer & xaq & Baarlamaan &
Sharci toona aanay u marin, ee ay si cad u boobaan hantida Beelaha ka
dhaxaysey.
Siilaanyo & Muuse waxay ku heshiiyeen, inay H/Jeclo & H/Awal ay Wadanka
keligood u xidhaan qandaraasyada, maalgashiga, Ganacsiga, Dhaqaalaha &
Shidaal baadhida, Macdan gurista, Shaqaalaha & Waxbarashada debeda.
Siilaanyo & Muuse Dekedii intey wareejiyeen oo Carabta & ETHOPIA ku ware-
ejiyeen ayey jeebkooda ku shubteen, Umadana aanay ilaa hada ogeyn waxay
siisteen, oo Beenalayaasha, kadaabiinta ee Sacad Cali, Muhanad Moorgan &
Samsam Heerya xun Umada been cad la hor taagnaayeen.
Siilaanyo & Muuse Wadankii god madaw ayey ku rideen, Ictiraafkii wey soo
oodeen, oo dhaqaale & Doollar raadis ayey ku bedesheen, gudihiina Boob
dhac, Colaad, Dhiig & xaqdaro & Dulmi & Isnac ayey ku abuureen.
Sidaas Darteed, Shirka Garxajis wuxuu iftiimiyey, cabashooyinka, xaqdarada
dulmiga, boobka, cadaalad darada, isku dul noolaanshaha, ay Siilaanyo &
Muuse Xukuumadahoodi ay Umadii & Wadankii lawada lahaa ay ka dhigeen
mid iyagu ee beelahoodu iska leeyihiin, Beelaha kalana daawadayaal & inay
ugu sacab tumaan, waa Muqadas, hala ilaaliyo Nabada, & been cad.
Hadaba, Shirkaa Garxajis Cabashooyinka, Tabashada, Dulmiga & Isku dulnool-
aashaha & Cadaadiska & Kibirka Jeegaanta Siilaanyo & Muuse Shaani ayey u
qabteen Shirkaasi, Beelihii kalana wey ku raaceen, Dulmigaasi beelaha Jeegaantu ku hayaan, kolkaa Muuse Handaraab yuu belaayo kale isku sii
furin, oo Shirar kale isku faruurun, ee cabashadaa & Dulmiga Shirkaasi
Garxajis laysugu markhaati furey wax ka qabto, oo durba xumaanta & Nacas-
nimada uu biklaabay oo Kulmiye caada u ahayd, Weji ku macaash & Shirar u
jawaaba Ergadii beelaha & Beeshii Garxajisba inaanay waxba ka jirin ee loo
dhan yahay /Land, Muusaw adiguun buu Duufaanada Gude & Debedba kaa
haystaa ee Siyaasadeed ee Maamulka Jeegaanta lagu diidan yahay isku sii
kordhin.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker