Odayaal Iyo Waxgarad Reer Somaliland Ah Oo Ka Degay Garoowe iyagoo Wata Calan Cad

Garoowe(OWN)-  waxaa maanta Magaalada Garoowe ee maamulka   Puntland  gaadhay Waxgaradkaas oo kasoo jeeda  tegay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal ayaa waxaa hoggaaminaya Suldaan Abdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka  Somaliland.

 

Suldaan Abdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah ogayaasha  oo Garoowe yimid  ayaan weli ka warbixin ujeedada dhabta ah ee socdaalkiisa ee deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe, ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu doonayo xalinta xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland taas oo ka taagan deegaanada Tukaraq.

 

Markii uu diyaaradda kasoo degay ayaa Suldaan Abdi Gahayr Maxamud wuxuu luxayey calanka cad ee nabada ku caanka ah, taas oo laga dheehan karo ujeedada safarkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker