Dad reer tuulo ah oo lagu la’yahay dhul go’ ka dhacay dalka Kenya

Tiro dad ah oo aan la cayimin oo reer tuulo ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhibaato ka soo gaartay dhul go’ ka dhacay bartamaha ismaamulka Kiambu.

Dhul go’an ayaa dhacay habeenimadii Salaasada kaddib roobbab mahiigaana oo ka da’ay halkaas.

Sawirro la soo dhigay internet-ka ayaa muujinaya guryo hoos galay dhul go’a.

Iyadoo dhacdadan la dabo joogo ayaa hay’adda isku talaabta cas ee Kenya u aqoonsaday aaggaasi mid khatar ah.

Inkastoo illaa hadda aan la xaqiijin wax dhimasho ah, haddana tiro dad ah ayaa la la’yahay sida hay’addu sheegtay.

Dadaallada gurmadka ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah dib u bilowdaan.

Waxa kale oo jira cabsi kale oo dhul go’ ah deegaannada dariska la ah, maadaama roobbabku wali da’ayaan.

Illaa 289 qof ayaa dhintay, in ka badan 280,000 way barakaceen kaddib todobaadyo roobbab xoog leh ka da’ayeen wadanka Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker