Nin rubuc qarni ka badan la weysanaa oo la helay isagoo ku afduuban guri dariskiisa ah

Nin u dhashay dalka Algeria oo la waysanaa muddo ka badan 25 sano ayaa la helay isagoo afduub loogu haysto guri dariskiisa ah oo ku yaala waqooyiga gobolka Djelfa, sida laga soo xigtay maamulayaasha deegaanka oo ay soo werisay warbaahin maxali ah.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ninkan la waayay intii u dhaxeysay sanadihii 1996 iyo 1998, intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Algeria.

Waxa la soo weriyay in laga helay god dhulka hoostiisa ah oo qashin lagu daboolay, sida uu baahiyay wargeyska maalinlaha ah ee Al-Shuruuq.

Ninka muddada dheer afduubnaa ayaa sheegay in afduubaha uu meel xun galiyay, taas oo uga tagtay in uu awoodi waayo in uu gurmad dalbado, sida wakaaladda warrarka ee AFP ka soo xigatay warbaahin maxali ah.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay in walaalka ninka afduubka gaystay uu ku baahiyay barraha bulshada kaddib markii ay ku murmeen dhaxal.

Ninka la afduubtay oo hadda ku jira da’ dhexaadka afartanaadka ayaa la daweynayaa kaddib markii ay soo badbaadiyeen maamulka deegaanka.

Ninka afduubka u haystay oo da’diisu tahay 61 jir ayaa la xiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker