Muqdisho : Maxkamad maanta go’aan ka gaadhaysa racfaan uu qaatay nin horey loogu helay in uu xaaskiisa gubay

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ka soo saaraysa racfaan uu u qaatay Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo horey Maxkamadda Darajada Koowaad ugu xukuntay dil toogasho ah kaddib markii ay ku heshay in uu gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, dhaawicii gaarayna ay u dhimatay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa qabatay afar fadhi oo lagu dhageysanayay racfaan dalbashada Sayid-Cali Macalin Daa’uud, iyadoo qareenadiisu soo bandhigeen sababta ay racfaanka uga qaateen xukunka horey ugu dhacay ee ahaa dilka.

Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Qareenada marxuumad Luul ayaa iyana ku celiyay dooddoodii ahayd in Sayid-Cali si ula kac ah u gubay xaaskiisa, isla markaana ay tahay in lagu raaco ga’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir horey uga soo saartay dacwaddan.

Labo iyo tobanka duhurnimo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo xukunka racfaan qaadashada Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker